Ciidamada DF oo weeraray maxkamadda Al-Shabaab ee duleedka MUQDISHO

Balcad (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee Haramcad yo kuwa Duufaan ee NISA ay howlgal ku qaadeen deegaanka Basra oo ku yaalla duleedka Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad & Afgooye halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa beegsaday xarun maxkamad u aheyd Al-Shabaab, halkaas oo ay ugu yeeri jireen dadka shacabka, waxaana kadib ka dhacay dagaal foolka fool ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburinta maxkamadda iyo goob ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin deegaankaasi.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen inay ku guuleysteen inay soo daayaan dad ay xir-xireen Al-Shabaab oo ay ku jiraan ganacsato ‘ay afduub ahaan u heysteen’, isla-markaana ay qabteen xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, balse ma shaacin tiradooda.

Xaaladda deegaanka Basro ayaa weli aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo waddada xiriirisa Balcad iyo Afgooye.

Tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ayaa ah mid looga hortegayo dhaq-dhaqaaqa ay Al-Shabaab ka wado Muqdisho iyo nawaaxigeeda oo maalmihii la soo dhaafay aad u kordhay waxaana Al-Shabaab ay u yeerayeen dadka shacabka ah iyo ganacsatada.

Inta badan ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa ATMIS ayaa howlgallo culus ku qaada kooxda Al-Shabaab oo weli, yaduna weeraro xoogan ka fulisa gudaha dalka.