Ciidamada Israel oo gudaha u galay SYRIA + Sababta

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa maanta ka gudbay xuduudda Syria, waxayna rasaaseeyeen afar qof oo ay sheegeen inay walxo kaga soo tuureen, ayaga oo dhaawacay qof ka mid ah, waxaa sidaas sheegay ciidamada Israel.

Israel oo duqeymo joogto ah ka fulisa gudaha dhulka Syria, ayaan inta badan qiran inay ciidankeeda ka gudbeen xuduudda.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ciidamada Israel “askar ilaalo ka aheyd xuduudda ayaa arkay afar qof oo tuhunsaneyaal ah,” meel u dhow aagga Haspin ee buuraleyda Golan Heights ee Israel ay hatsato, ayaga oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Ciidamada Difaaca Israel “ayaa goobta loo diray, waxayna ka gudbeen xuduudda oo ay ka howlgaleen, ayaga oo rasaaseeyey kadibna lugta ka dhaawacay mid ka mid ah tuhunsaneyaasha,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qofka la dhaawacay oo aanay xaaladdiisa weli kala caddeyn, ayaa waxaa diyaarad helicopter ah ay u qaaday isbitaal ku yaalla gudaha Israel, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, oo aan shaacin xaaladda saddexdii kale. 

Israel ayaan inta bdan ka hadlin howlgallada militari ee Syria, marka laga reebo howlgallada jawaabta u ah waxa ay ciidamada ku sheegaan halis muuqata oo ku wajahan qarannimada Israel.

Hase yeeshee Israel ayaa qiratay inay boqolala duqeymo ka fulisay Syria, ayada oo beegsaneysa saldhigyo dowladeed iyo kuwa ciidamada ku xiran Iran, tan iyo markii uu dagaalka sokeeyey ka qarxay dalkaas sanaddii 2011.

Israel ayaa qabsatay 1,200 oo isku wareeg KM oo ah dhulka Golan Heights markii uu dagaalka Lixda Maalmood dhex-maray Israel iyo dalalka Carabta, waxayna ku darsatay dhulkeeda, inkasta oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan.