Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaali ah oo uu dhex-maray dagaal culus (Aqri)

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka amar qaata maamulka degmada Jalalaqsi iyo kuwa Jabuuti ee ka howlga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Booliska degmada ay diideen in la damiyo isgaarsiinta, si loo sameeyo howgallo miino baaris ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dhexmaray iska hor imaad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la cadeyn karin inta uu la’egyahay.

Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaalkaasi lagaga adkaaday ciidamada maamulka Jalalaqsi, iyadoona laga saaray degmadaasi

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen dhammaan xarumaha maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka  oo ku aadan dagaalkaasi.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada Jabuuti ay is hortaag ku sameeyeen guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Beledweyne, Mudane Muxumed Cali Dhagagaab, xilli uu doonayey inuu gudaha ugalo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com