Ciidamada Puntland oo geystay toogashadii ugu foosha xumeyd

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Puntland ayaa la sheegayaa inay toogasho ku dileen Hooyo Soomaaliyeed iyo Afar carruur ah oo ay dhashay kuwaasi oo ka barakacaayay dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigeen Hooyadaasi iyo carruurteeda, hayeeshee markii ay u sheegtay inay qax ka tagay dagaalka ay ku fureen rasaas farabadan oo aan loo meel-dayin.

Hooyadaani oo deegaan ahaan xigtay dhanka Galmudug ayaa waxa ay ula soo carartay carruurteeda dhanka Puntland, waxaana lagu abaalmariyay rasaas.

Hooyadaani iyo carruurteeda ayaa la sheegay in sababta ugu weyn ee loo dilay ay tahay inay dhashay mid kamid ah ciidamadii la dagaalamaayay kuwa Puntland, kaasi oo caan ka ah ciidamada dhexdooda.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in Hooyada ay ka furteen alaabo yar yar ah oo ay gacanta ku siday, waxaana la sheegayaa in carruurta ay dileen ee Hooyadaasi la socda midka ugu weyn uu ahaa 12 sano jir aan waxba galabsan.

Mudada kooban ee uu dagaalka socday ayaa la sheegay in ciidamada Puntland aysan u meel dayin ciidamada iyo shacabka Galmudug, iyagoo rasaas huwinaayay wixii ka nuuxsada goobaha ay kasoo dagaalamayeen ciidamada Galmudug.

Tani ayaa qeyb ka noqoneysa tacadiyada ka dhanka ah ee lagu hayo dadka barimageytaga ee kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com