Col. Barre oo libin ka helay Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Barre Hiiraale, ayaa maanta libin ka helay Axmed Madoobe, kadib markii Ciidamado badan iyo Saraakiil hogaaminaysa ay isaga soo baxeen Magaalada Kismaayo, kadibna ay ku biireen Ciidamada uu hogaaminayo Col. Barre Hiiraale oo ku sugan Deegaanka Goobweyn.

Cabdi Rashiid Macalin, oo ah Afhayeenka Barre Hiiree ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiishooda oo ahaa boqolaal islamarkaana watey Hubkoodii in ay yimaadeen Goobweyn, kadib markii ay kazoo baxsadeen maleeshiyada Raaskambooni.

“Ciidamada waxa ay u adkeynsan waayeen Xadgudubka ay Maleeshiyo Beeleedka RaasKambooni ku hayaan Shacabka Kismaayo, sidaasi darteedna waxa ay kusoo biireen Ciidamada xaq u dirirka ee ku sugan Goobweyn, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan Duulaanka Jubbooyinka lagu xureynayo,” ayuu yiri Macallin Gaas.

Wuxuu sheegay in Ciidamada kasoo goostay Kooxda Axmed Madoobe, kuna biiray dhanka Barre Hiiraale aysan ahayn kuwii ugu horeeyay, balse ay jireen kuwa badan oo Bilooyinkii ugu danbeeyay kasoo baxayay Kismaayo.

Shalay, Kismaayo waxaa ka dhacay Dagaal ay ku dhinteen in ka badan 5 Qof, kuna dhaawacmeen ku dhawaad 15 Ruux oo Shacab iyo Askar isagu jiray.

Xaaladda Kismaayo, ayaa wali ah mid aan deganayn, oo Xiisado Dagaal ka taagan tahay maadaama ay Maleeshiyada Raas Kambooni u kala safteen Labo Garab, qaab qabiil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com