Ciidamo xirtay wadooyinka magaalada Gaalkacyo iyo wararkii ugu dambeeyey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa maalintii saddexaad xiran waddooyinka gala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamo careysan oo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa hakiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqa waddooyinkaasi, taas oo saameyn ku yeelatay dadka safraya iyo gaadiideyda.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyey xaaladda guud, wuxuuna sheegay in waddada ay ka xiran tahay laamiga soo aada Muqdisho iyo dhanka jidka gala Hobyo, halkaas oo ay ku xaniban yihiin gaadiid iyo dadweyne fara badan.

“Waddada laamiga ah oo Muqdisho soo aada halkaas bey ka xiran tahay, mida kale waddada aada dhanka Hobyo meel 8 KM u jira garoonka ayey ka xiran tahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay arrintaan oo soo taagneyd maalmihii u dambeeyey, kadib markii ay kordheen dhaq-dhaqaaqyada ay sameynayaan ciidamadaasi.

“Saaka nasiib darro ayey ku tahay 16 sanno, kadib in la sheego in waddo ay go’an tahay gaadiidka oo xanibay,” ayuu sii raaciyey.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xiisadda ay salka ku heyso cabasho ku aadan hab qaysiga beelaha ee maamulka ka jira magaaladaasi.

“Intaas oo culeys ah oo jira iyo waxa la raadinaayo wax isku dhigma ma’aha in waddada loo xiro xubin hebelo iyo xubin heblaa rabnaa munaasabad ma aha,” ayuu markale yiri.

Dhinaca kale maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa arrintan shir gaar ah ka yeeshay, waxaana guddoomiyey kulankaas guddoomiye Faysal Sheekh Cali oo guddiga amniga faray inay farageliyaan xiisadda, isla-markaana ay qaadeen isbaarooyinka la soo dhigay halkaasi.

Si kastaba, waxaan haatan soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda, si loo soo afjaro dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta Gaalkacyo.