Ciidanka Dowladda oo dhacay Deeq dad Dhibaataysan loo qaybinayay.

Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose ee Dowlada Soomaaliya  ayaa maanta dhacay Sahay gar gaar oo loo waday dad dhibaataysan oo ku nool deegaanka Carbiska ee Duleedka Muqdisho.

Sahaydaan Gar gaar oo ka koobnayd Boorish iyo Saliid ayaa loogu tala galay dad daruufo adag ay ku haysato Deegaankaas kuwaas oo ay tiradooda gaarayso 300 ruux.

Labo gaari ayaa la sheegay inay ahayd Cunada  la dhacay iyadoo dadka loo  kala qaybinayo aya waxaa goobta soo gaaray Ciidanka Dowlada oo sida dadka ay sheegeen u adeegayaan Gudoomiyaha Sh/hoose Cabduqaadir Maxamad Nuur Siidii ayna ka qateen deeqdii dadka loogu tala galay.

Dadkaan oo caraysan ayaa xiliga oo kulul waxaa ay dibad baxyo ay ka dhigayaan Wadada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye.

Horay ayay Ciidamada Dowlada waxaa ay dadkaan uga dhaceen Ari ay la hayeen dad ganacsata ah.