Cosoble oo kashifay arrin ay qorshaynayaan madaxda DF kahor doorashada 2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble ahna guddoomiyaha xisbiga Ileys ayaa markale ku celiyay walaaca ay ka qabaan in madaxda dowladda Soomaaliya ay sameeyaan muddo kororsi marka muddo xiloodkoodu uu dhamaado.

Wuxuu sheegay inay walwal ay ka qabaan suurta galnimada in dhamaadka sanadka 2021 ay doorasho ka dhacdo dalka, maadaama uu sheegay in waxyaabaha qaar oo loo baahnaa inaan xal laga gaarin sida Dastuurka qabyada ah.

Nidaamka xisbiyada ayuu sidoo kale sheegay inaan wali la dhameystirin taasi oo caqabad ku ah doorasho dalka ka dhacda dhamaadka sanadka 2021,

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda ay dib u dhigeyso howlo badan oo qasab ah in la dhameeyo ka hor doorashada, waxaana ugu horeeya diiwaan gelinta dadka dhiibinaya codadka iyo hubinta xisbiyada dalka.

“Waxaa ii muuqata markaan xukuumadda fiiriyo, in la daahinayo u diyaar garowga Doorashada, lama diiwaan gelin dadkii doorashada aadi lahaa, sharciga doorashada lama keenin baarlamaanka, waxaa fiican oo muhiim ah shacabka inay ogaadaan labo ka hor doorashada dhaceyso nooca ay tahay, waa nasiib daro in masuulkii la doorto afar sano kadib inuu ka fakaro sidii xilka uu kusii haysan lahaa”

“Labo bil ka hor ayay aheyd markii madaxweynaha uu dalbaday in sharciga doorashada la gudbiyo, walina lama gudbin, waxaana laga yaabaa in taasi ay sababto in ugu dambeyn madaxda dalka ay dalbadaan labo ama hal sano oo dheeri ah, haddii aan wax badan la eegin”ayuu yiri Xidhibaan C/qaador Cosoble.

Walaaca xildhibaan C/qaadir Cosoble waxaa horey u qabay hogaamiyaasha xisbiyada dalka qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com