Cristiano Ronaldo oo Rikoor cusub u dhigay El Clasico (Warbixin)

Cristiano Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyey todobo gool oo is xig xigta ka dhaliya kulanka EL Clasico ee dhex mara Barcelona iyo Real Madrid.

27 jirkaan ayaa gool dhaliyey daqiiqadii 23aad iyo 66aad, ciyaartii caawa ka dhacay Comp Nou Stadium, wuxuuna fursadii uu u abuuray Karim Benzema iyo goolkii uu lugta ka saaray Mezut Ozil ku dhaafay rikoorkii Ivan Zamorano, kaasoo Los Blancos u dhaliyey shan gool intii u dhexeysay 1992dii ilaa 1996dii.

Ronaldo ayaa goolka dhaliyey Barca markii ay guul darro 2-1 ah August dhabarka u saartay dhigooda Madrid, wuxuuna ciyaaryahankii hore ee Man Utd Blaugrana ka dhaliyey 10 gool intii uu  wajahay, isagoona lix gool ka dameeya Lionel Messi kaasoo halakeeyey daafacyada Madrid.