Cumar Filish oo go’aan kasoo saaray qaabka loo aasayo dadka u dhinta Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa caawa shaaciyey qaab loo aasi doono dadka gudaha Soomaaliya ugu dhinta cudurka Coronavirus oo si weyn ugu sii faafaya dalka Soomaaliya, xili ay dhimashaduna ay maanta gudaha dalka gaartay 7-qof.

Guddoomiyey Filish ayaa sheegay inay diyaariyeen koox loo tobabaray dadka u dhinta cudurka Coronavirus, kuwaasi oo aasi doona qofka u dhinta cudurkaasi, maadama uu Coronavirus uu yahay cudur khatar ah oo si fudud ugu dhex faafi kara bulshada.

Filish ayaa ka dhawaajiyey in Kooxdaasi ay u diyaariyeen inay aasan dadka u geeriyooda Covid-19 ay ka qeyb yihiin Culimo Soomaaliyeed oo bulshada loogu tala-galay inay ka wacyi-geliyaan in dadku ku soo ururin Meydka qofka u dhinta cudurkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dalbay bulshadu inay qaataan talooyinka wasaarada Caafimaadka, iyaga oo ka fogaanaya goobaha dadku iskugu yimaadan, kuna dadaalaya faro dhaqashada iyo u dhago nuglaanta talooyinkaasi caafimaad.

Ugu dambeyntiina Guddoomiyuhu waxa uu uga digay Dadka inay soo booqdan qofka uu cudurka Coronavirus ku dhaco, sidii ay hore ugu booqan jireen dadka xanuunsan ee ku jira Isbitaalada, isla markaana aysan soo buuxin aaska qofka u dhinta cudurkaasi.

Xaalada Coroanaha ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid walaac badan leh oo kasii dareysa, xili maanta la xaqiijiyey 2-qof oo u dhintay cudurkaasi, iyada oo 19-qof oo hor lehna laga helay cudurkaasi, midaasi oo tirada guud ee Kiisaska dalka ka dhigeysa 135-kiis.