“C/Weli wuxuu shaqo ka dhigtay bara-kicinta Sade iyo H/Gidir” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Onine) – Suldaan Axmed Xasan Garbacune oo ka mid ah Salaadinta Beesha Sade Daarood ayaa waxaa uu markii ugu horaysay ka hadlay waxqabadka Xukuumada Somalia ee uu hogaamiyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sh Axmed Maxamed.

Suldaan Axmed ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Cabdiweli ay ku fashilantay howshii loo igmaday loona bahan yahay in Baarlamanka Somalia uu si dag dag ah ula xisaabtamo.

Sudaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Xukuumada Cabdiweli waxaay ku fashilantay wax ka qabashada ammanka, dhismaha Maamullada Gobollada iyo Isku xirka Gobollada iyo Caasimada iyo arrimo kale oo badan oo muhiim ah”.

Suldaan Axmed ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada Cabdiweli halkii ay qaranka u adeegi lahayd ay ku mashquushay in ay beelaha Mareexaan iyo Habargidir ka barakiciso Gobolada Jubboyinka iyo Shabelada Hoose.

Waxa uu intaas ku daray in Cabdiweli uu si toos ah ula saftay Beelaha Kablalax iyo Biyo-Maal oo ayagu doonaya in ay xog ku dhaxlaan deegan ay qabiilo dagan yihiin.

“Beelaha Mareexaan iyo Habargidir waa beelaha ay wali ku danbayso qaran jacaylka, haddi dhibka lagu hayo laga dayn waayana way yaqaanaan sida loo dagaalamo oo la iskaga dulqaado cadow kasta” ayuu yiri.

Suldaanka ayaa waxaa uu ku baaqay in guud ahan Gobollada dhexe ee Somalia iyo Gobolada Konfureedba laga dhigo banaanbaxyo looga soo horjeedo habdhaaqanka Xukuumada u hogaamiyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com