Daacishta Soomaaliya oo ku goodisay inay surka ka jareyso odayaasha Puntland

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Qandalada oo ka tirsan Gobolka Bari kulan wakhti badan qaatay kuwada yeeshay Saraakiisha Hogaamineysa Daacishta Somalia iyo Odayaasha Deegaanka Qandala.

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhawaad Hal saac iyo Bar, waxa ayna Odayaasha deegaanka soo jeediyeen in laga dulqaado dagaalyahaanada lagu soo duldaadiyay.

Odayaasha waxa ay Saraakiisha ka dalbadeen in Dagaalyahaanada dib loogu celsho halkii laga keenay, waxaana codsigaasi diiday Saraakiisha Daacishta Somalia oo Odayaasha faray inay ku laabtaan goobihii ay iska soo uruursadeen.

Waxyaabaha ay sidoo kale Odayaasha dalbadeen ayaa waxaa kamid ahaa in Calanka madow ee Astaanta u ah Argagixisada laga siibo goobaha ay magaalada kaga sureen, waxaana arrintaasi la sheegay inay ka carooden Saraakiisha isla markaana ku goodiyeen inay surka ka jari doonaan haddii ay mar kale soo horfadhiistaan.

Saraakiisha Daacishta Somalia, waxa ay ka biya diideen in qorshahooda ay mar kale kala hadlaan dadka deegaanka iyo haddii ay jiraan wakiilo ka socda maamulka Puntland.

Sidoo kale, waxa ay Saraakiishu sheegen in magaalada ay kusii nagaan doonaan inta ay ka gaarayaan qorshaha ay u yimaaden.

Docda kale. Maamulka Puntland ayaa wada diyaar garow lagu doonaayo in Maleeshiyada Daacishta Somalia looga saaro deegaanka Qandalada.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com