Daahfurka Shirkii Dhamaystirka Heshiiska Galmugug Iyo Ahlu-sunna Oo Furmay

Dhuusamareeb-(caasimadda online)-wararka ka imaanaya  magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in uu furmay shirka daah-furka dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna.

shirkaan waxaa goobjoog ka ah madaxda ugusaraysa dalka uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ergeyga Qaramada midoobey uqaalbilsan  Soomaaliya Michael Keating, madaxda  maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Axmed Madoobe .

Ahlu-sunna waxa ay horay  qeyb ka aheyd heshiiska maamul u sameyntii  Galmudug, iyada oo ka mid aheyd saxiixayaashii heshiiskii  July 30, 2014 ee qalinka ku duugeen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid : oo matalayay Galmudug, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo  Ahlu Sunna Wal Jamaaca matalayay , Cabdullaahi Maxamed Cali Baarleex oo kawakiil ahaa maamulkii cadaado ka ariminayay ee  Ximan iyo Xeeb iyo xubno kasocday dowladda federaalka ah sida Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow, Ducaale Aadan Maxamed, Axmed Cali Salaad Taako  iyo Mahad Axmed Salaad.

In kasta oo natiijada maamul goboleedkii heshiiskaasi  ka dhashay Ahlu-sunna wax laga siiyay hadana kuma qancin oo garabyo badan ayey yeelatay kooxda, waxaa ay qabsatay magaalooyin ay ku jiraan caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Sanadkii hore, dadaallo badan oo dowladda federaalka ah, Djibouti iyo hey’ado kale bixiyeen waxaa la gaaray heshiis hor-u-dhac ah.

December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah,  ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed.

Heshiiskan kadib waxaa lagu wadaa in Sheekh Shaakir uu si rasmi u noqdo madaxa xukuumadda Galmudug, sidoo kale in la isku daro Xildhibaannada labada maamul, lana qeysado jagooyinka ugu waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com