Daawo: Dabageed oo si xun u weeraray xubno ka tirsan DF

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta reer Hiiraan ee ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo faro gelin ku haya maamulkiisa.

Dabageed ayaa sheegay in siyaasiyiintaas oo ay ku jiraan wasiirro reer Hiiraan ku metela dowladda federaalka, kuwaas oo sida uu sheegay toos ula macaamila Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

“HirShabeelle waxaa dacaayadeynaya oo meel laga geeyo la la’yahay nimankii soo dhisay, waxay nimankaasi ku doodayaan HirShabeelle ma jirto ee ugaasyada halala macaamilo, war ugaasyada qarankaa lagala macaamilaa, laakiin siyaasadda HirShabeelle anagaa hadda naloo doortay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Sidoo kale Yuusuf Dabageed ayaa xildhibaanada dowladda federaalka ku metela HirShabeelle wuxuu ka codsaday inay ka hor yimaadaan wixii faro gelin ku ah maamulka ee siyaasiyiinta kale ay ku kacaan.

“Nimanka Xamar jooga halkaan nooguma tali karaan. Waxaan la yaabaa ninka maanta anigoo madaxdiisa ah aan ila shaqeyn ee doonaya inaan beri la shaqeeyo markii uu madax noqdo, ma dhici doonto taas, inuu iga xoog badaiyo ayaan kula shaqey karaa, kuwo wasiiro ah ayaa xitaa kacdoonka nagu wada, aniga waxay igu metelaayaan wasiirnimada, ayagana in madaxweyne ku xigeenka aan ku metelo ma rabaan,” ayuu yiri Yuusuf Dabageeed.

Sidoo kale Yuusuf ayaa siyaasiyiinta uu sheegay inay is hayaan wuxuu u soo jeediyey inay ka wadahadlaan waxa ay isku hayaan, maadaama sida uu sheegay ay isku qabiil yihiin, “War isku qabiilaan nahaye aan hoos u warano ama aan kala xoog badino,” ayuu yiri.

Baaqiisa uu xildhibaanada u diray wuxuu ku yiri, “Xildhibaanow waxaan idiin dirsanay dowladda federaalka, waxaan idiin soo xulanay inaad kuwii hore ka fiicnaatiin, Hirshabeelle inaad faro gelin ku sameysaan idiinma dirin, idinkana ogolaa meyno.”

Hoos ka daawo