Daawo: DF oo hakisay natiijada imtixaanka arday waalidkood eed loo heysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey inay jiraan arday natiijada imtixaankii ay galeen la hakiyey oo laga reebay liiskii natiijada imtixaanka dowladda ee maanta la soo saaray.

Wasiir Faarax ayaa sababta ku sheegay inay doonayaan inay la kulmaan ardaydaas iyo waalidiintooda, si buu yiri loola xisaabtamo, isagoo tilmaamay in ardaydaas ay hareer mareen shuruucdii loo dejiyey imtixaanka.

“Waxaa jira arday la hakiyey natiijada imtixaankooda, si loola xisaabtamo ayaga iyo waalidkood, maadaama ay hareer mareen nidaamkii imtixaanka, in la ilaaliyo nidaamka wado aan aheyn nooma fura, waa ku ceeb waalidka, caruurtooda, macalimiinta iyo dugsiyada, in dad yar ay nidaamka ku dheelaan,” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wuxuu sheegay in guddigii imxaanka ka shaqeynayey ay ogolaa waayeen in dad yar ay isku dayaan inay ku xad gudbaan nidaamka imtixaanka, inkastoo wasiirku uusan shaacin waxa lagu eedeynayo ardayda la hakiyey natiijada imtixaankooda.

Sidoo kale wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay jiraan iskuullo ay ardaydii ka soo baxday ku dhaceen imtixaanka dowladda, “Waxaa jira dugsiyo ardaydii badankooda ay dhaceen, waxaas suurtagal maahan, ardayda Soomaaliyeed-na saas uma wada xuma ee nidaamka dugsigaa wax ka qaldan yihiin,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray in iskuullada liita ee ardaydii ka soo baxday ay imtixaanka dowladda ku dhaceen ay wasaaraddu daba geli doonto oo ay la xisaabtamayaan.

“Wixii suurta gal ah oo la gacan qaba karo waan gacan qaba doonaa, wixii aan u aragno in aysan soca karina, waan iska karaantiili doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee dowladdu ay sanadkaan ka qaaday ardayda dhameysatay waxbarshada dugsiyada sare ee dalka.

Waxaa loo diiwaan geliyey inay imtixaanka gelayaan 34,469 oo ardayda,  balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay waa 32,325 arday oo u dhiganta 96.6%. Waxaa ku dhacay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3.4%.

1,100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.