DF oo shaacisay ciqaabta ganacsadihii lacag siiya kooxda Al-Shabaab (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagaha canshuurta ah siisa Al-Shabaab, sidoo kale waxay dowladdu cadeysay in ganacsadihii lagu qabto arrintaas loola dhaqmi doono sidii nin Shabaab ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo marti ku ahaa barnaamij ka baxay TV-ga Universal ayaa sheegay in dowladdu ay meel mari doonto sharci xadidaya maalgelinta argagixisada, si meesha looga saaro canshuurta ay qaado kooxda Al-Shabaab.

“Suurta gal maahan in nin Al-Shabaab uu dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada canshuuro oo magaalada uu xafiis ku lahaado, anaguna aan duurka ku eryano mid aan waxaba kala ogeyn,” ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan ogaa doonaa akoonada lagu shubo lacagta, qofkii lagu helo dembigaas, noogama duwana Cali Dheere, suurta galna maahan in masaajidka aad nooga horeysaan, lacagaha aad bixisaana dadkeena lagu laayo.”

Mar la weydiiyey qorshaha uga degan dowladda ammaanka ganacsatada hadii ay diidaan canshuurta ayuu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadow ku sii koraya Soomaaliya, balse hadii laga jaro dhaqaalaha ay suurta geli doonto in mudo kooban lagu soo afjari karo kooxda.

“Adigu qoriga ii hay, i dil, taleefan iigu hanjab, dhaqaalahaaga aan dadka ku laayo, wax la sii fiirsa karo maaha, waxay u baahan tahay faro gelin dowladeed, waana in la joojiyaa, taas waxay naga saamixi doontaa, in kooxdu ay weyso waxay qaraxa ku iibsato,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay masuuliyad iska saari doonto ammaanka ganacsatada, “Taas qorsheeha kow ayey ka tahay, laakiin ganacsade jooji dhaqaalaha aad bixineyso, lama fiirsa karo in Shabaab lagu maal geliyo ‘lafaheygaan la cabsanayaa’ wax la aqbali karo maaha,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo