Daawo: Ehellada darawalkii lagu dilay Muqdisho oo go’aan culus ku dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Marxuum Maxamed Axmed Barrow oo shalay Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya uu ku dilay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in meydka aysan aasi doonin, ilaa inta ay dowladdu cadaaladda u soo taageyso askarigii dilay wiilkooda.

Maxamed Axmed Barrow oo darawal ka ahaa gaari xamuul ah oo kuwa dekedda Muqdisho shixnadaha ka qaada ka mid ah, ayaa shalay loo dilay 2 dollar oo baad ah, sida ay cadeeyeen dad joobjoog u ahaa dhacdadaas.

Sahro Axmed Ibraahim oo ah gabadhii u dhacday marxuumka ayaa iyadoo ilmeyneysa waxay ka sheekeysa sida ay u taabatay geerida Seygeedii oo ku noqotay mid xanuun badan.

“Cadaalad maheysano, ninkii dilay ilmaheyga aabahood dowladda ayuu ka tirsan yahay, lamana soo qaban, Ilaahey iyo dowlada waxaan ka baryaa in ninkii ilmahaan agoonta ka dhigay cadaladda la soo taago, waxaa xanuun igu heysa qof aad hadda quraac siisay ee markii uu kaa tegay meydkiisa laguu soo sheegay, $2 iyo wax lamid ah ayaa loo dilay, ninkii dilayna magaalada ayuu baashaalayaa,” ayey tiri Sahro .

Aabe Axmed Barrow oo ah abaabihii dhalay wiilka la dilay ayaa la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in wiilkiisa oo korsanayey lix carruur ah uu askari ka tirsan dowladda si bareer ah u toogtay, isagoo cod dheer cadaalad ku dalbaday.

“Burbur, dowlad la’aan iyo shaqo la’aan ayaan wiilkeyga ku soo koriyey, lix caruur ah ayuu heystay, maanta ilmihiisii xitaa waa la dhaafiyey, anigu wax uma galo oo nolosheydii ciidanimo ayaan ku soo qaatay oo tabar ma hayo,” ayuu yiri Aabe Axmed Barrow.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Wiilkeyga kii dilay cid soo qabatay ma jirto, hada qabiil ma jiro oo dowlad Soomaaliyeed ayaa dadka u dhisan, waxaana laga rabaa in dadka wax magaratada ah ay umadda ka badbaadiso, hadii cadaalad dowladda laga waayo, waxaa dhici doonta in la iska aar goosto.”

Wuxuu Aabahaan carabka ku adkeeyey in meydka wiilkiisa aan la aasi doonin, ilaa inta dowladdu ay cadaalada ka hor keeneyso askarigii dilay, isagoo sheegay faranjiyeer uu ku jiro meydku habeenkii labaad.

Hoos ka daawo