Daawo: Faarax Macalin oo weeraray saaxiibkiis Farmaajo “Wuxuu ahaa fulay la diriri waayey Shabaab”

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Macalin oo ka mid ah baarlamaanka Kenya oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhaliilay markii ugu horeysay, isagoo ku tilmaamay ‘fulay ku dhiira waayey in dalka uu ka xoreeyo Al-Shabaab.

Faarax Macalin ayaa sheegay in Farmaajo uu dhowr jeer kala hadlay dagaalka Al-Shabaab, balse uu noqday nin aan go’aan laheyn oo u hoggaansamay rabitaanka reer Galbeedka.

“Farmaajo wuxuu tilaab ugu qaadi waayey Al-Shabaab, wax ogolaansho ah ayuu ka waayey Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaa la yiri hadaa la dagaashaan waxay ku cararayaan gudaha Kenya, waxaa la go’aansaday in sidaas ay Soomaaliya u dhex joogaan,” ayuu yiri Faarax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihiisii Kheyre ay is qiyaameen, “Kheyre wuxuu xiriir la lahaa Axmed Madoobe, waxayna is tuseen hadii Bu’aale la xoreeyo in Axmed uu meesha ka baxayo, marka waa is qiyaamayeen Farmaajo iyo Kheyre,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faarax Macalin.

Wuxuu sheegay in waayahaas ka Faarax ahaan uu aad u doonayey in meesha laga saaro Axmed Madoobe, Al-Shabaab-na lala diriro, balse Farmaajo uu qaada waayey wax go’aan ah oo geesinimo ku jirto.

“Farmaajo wuxuu ahaa ‘fulay wadani ah’ tuug maaheyn, dalku inuu guuleystana waa rabay, laakiin calool adeygii ayaa ka maqnaa, si tartiib ah ayuu rabay inuu ku gaaro xalka Soomaalida, taasna macquul ma noqon,” ayuu yiri Faarax Macalin.

Mar la weydiiyey sababta uu uga aamusi jiray qaladaada dowladii Farmaajo ayuu sheegay in markii la laayey askartii Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo markii la dhiibay Qalbidhagax, uu si cad u sheegay in Farmaajo iyo Kheyre ay meeshii ugu sareysay ka bilaabeen khaa’inimo tii ugu xumeed.

Mar uu tilmaamay dhibaatooyinkii heystay Farmaajo wuxuu sheegay inuu ahaa nin ka cabsada in shacabkiisa uu la hadlo, “Xitaa hadaa qalad gashay waa inaad dadka la hadasho oo sidii ay wax u dhaceen u sheegto, wixii la qalday aad saxdo, dadkii qaldana aad tallaabo ka qaado, dadku markaas waa kaa qancayaan,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Faarax Macalin oo wareysigaan siiyey TV-ga Universal ayaa sheegay in Farmaajo aad loo qiyaamayey, sidoo kalena isagoo niyad fiican uu ahaa fulay ay dhibeysay inuu shacabka Soomaaliyeed toos ula hadlo.

“Dhagar miiran waaye siyaasadda Soomaaliya, dad badan oo Farmaajo uu aaminay ayaa dhagray, nin eed la’aan ah iima muuqdo, laakiin eedaha ayaa kala weynaa, balse waxaa muhiim ah in qaranimada iyo qabka Soomaalida la dhowro oo kor loo qaado,” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Macalin oo ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Hoos ka daawo