Daawo: Farmaajo oo weerar ku qaaday Xaaf sheegayna in Safarka Cadaado uu ka qaaday Kiliya xanuun

Cadaado (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo kasoo ambabaxay magaalada Cadaado ayaa sheegay in socdaalkiisa dhulka ee uu ku tagay magaalada Cadaado uu ahaa mid uu ka qaaday Kiliya xanuun, halka Xaafna uu ka qaaday daal.

Farmaajo waxa uu sheegay in Hogaamiye Xaaf uu ka hayo inuu ku raaxeystay safarka dhulka, balse isaga uu ka qaaday daal iyo Kiliya xanuun, taasina ay muujineyso burburka ka dhacay dalka oo saameyn xoogan ku yeeshay waddooyinkii loo socon jiray wakhtiga yar oo hadda loo soconaayo dhowrka saac.

Farmaajo waxa uu yiri ‘’Saaxiibkey Xaaf waxa uu sheegay inuu ku raaxeysanaayay safarka dhulka, balse uu isaga qabo  feker taa kaduwan oo ah inuu ka qaaday daal iyo dhib’’

‘’Aniga kuma raaxeysan safarka dhulka ee Cadaado ee waxaan ka qaaday Kiliya xanuun’’ ayuu yiri Farmaajo.

Weerarka kaftanka ah ee uu Farmaajo ku qaaday Hogaamiye Xaaf ayaa waxaa lagu sheegay inuu hordhac u yahay isfahanka Siyaasadeed ee iminka u curtay Farmaajo iyo Xaaf, maadaama aanu horay usoo wada shaqeyn labada mas’uul.