Daawo: Faysal oo weeraray Xasan Sheekh una mahad naqay Aadan Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay baaqii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo saaray qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Somaliland, kaas oo salka ku haya dib u dhac ku yimid doorashada.

Eng. Faysal ayaa sidoo kale aad ugu mahad celiyey guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo sida uu sheegay la soo xariiray, aadna ugu waaniyey nabadda iyo qiimaha ay leedahay.

“Waxaan ka xumahay Xasan Sheekh oo og sidii aan uga dagaalanay inuu maanta nagu sheego gobollada waqooyi, inta noo quuri waayey magaca Somaliland oo kooda ‘Soomaaliya’ ka horeeyey, magacyada Puntland iyo Jubbaland-na uu ku tasbiixsado,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiye Faysal ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayo Somaliland ay hadda ugu baaqeyso nabad iyo xasilooni dadka reer Somaliland.

“Waxaan maanta mareynaa heer Soomaaliya oo la dhihi jiray ku dayda Somaliland ay ayagii naga naxeen oo nabad noogu baaqayaan,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan aad ugu mahad celinayaa siyaasiyiintii Soomaaliya ee nala soo xariiray oo guddoomiyaha baarlamaanka Aadan Madoobe uu ugu horeeyo, kuwaas oo nagu waaniyey nabad geliyo.”

Faysal ayaa aad u weeraray madaxweynaha ay xiisadu kala dhaxeyso ee Muuse Biixi, isagoo ka hadlay dhamaan qodobada ay isku hayaan iyo ajendaha Muuse ee doorasho diidka ah, sidoo kale rabshadihii dhacay iyo cida masuuliyada qaadeysa ayuu ka hadalkooda ku dheeraaday guddoomiye Faysal.

Hoos ka daawo