Daawo: Wasiir FIQI oo war cusub ka soo saaray amniga xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay munaasabad uu xilka kula wareegayey guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goobta ka jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu uga hadlay amniga xarunta dowladda hoose oo horey loogu dilay guddoomiye Injineer Yariisow.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in wax badan laga beddalay xarunta gobolka Banaadir, isla-markaana la sugay amnigeeda, isaga oo ku amaanay guddoomiyihii hore Cumar Filish.

“Runtii waxaan ka mahad-celinayaa in qodob ka mid ah qodobada ay aheyd in meeshaan aad ku soo bandhigtay in amniga xaruntaan aad si fiican u sugtay oo aad suurta-gelisay in munaasabad noocaan ah ay ka dhacdo, ayada oo aan ognahay dhacdadii xanuunka badneyd ee saddex sanno kahor ka dhacday Allaha u naxariisto guddoomiyaheenii hore”.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in muhiimadda iyo shaqada u horreyso ee la qabanayo ay tahay in laga bilaabo xarunta, taasina ay horseedeyso in maamulka uu guuleysto.

“Shaqada koowaad in guriga laga bilaabo weeyaan, xarunta laga bilaabo waayey, marka aadbaad ugu mahadsan tahay guddoomiye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ka dowlad ahaan ay ka shaqeyn doonaan in dadka Muqdisho ay iyaga is doortaan, kadibna ay maamulkooda  doortaan.

“Wasaaradda arrimaha gudaha iyada oo ku shaqeyneysa aragtida xukuumadda, gobolkaan waxa aan rajeyneynaa in Dadkiisu ay doortaan Maamulkiisa haddii ilaahey riyaahdo, in Guddoomiyaha Xamarweyn sanduuq loo dhigo, kan Shangaani loo dhigo kuwa kale sidaas oo kale, sidaasina waa midda dhalinyarada hoggaanka ku qaban karto loogana fursan karo waxyaabaha jira, inta aan joogno 4ta sano gudaheed in ay suuragasho” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan madaxweyne Xasan Sheekh uu isbeddel ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, isagoo mar labaad u magacaabay Yuusuf Madaale.