Daawo: Nin dil geysanayey oo lagu dhex toogtay suuq ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa galabta koonfurta magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa degaanka Weydow waxay ku dhex toogteen nin dil iyo dhaawac u geystay qof shacab ah iyo askarti ka tirsanaa ciidamada ammaanka.

Ciidanka ayaa toogtay ninkii geystay dilka iyo dhaawaca labadaas qof ee mid askariga ahaa, waxaana la soo bandhigay meydkiisa oo la kor saaray bistooladii uu dilka ku geystay.

Taliyaha booliska qeybta galbeed ee gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey) oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu toogtay ninkaas ayaa faahfaahin kooban ka bixiyey dhacdadaas.

“Ciidanku waxay ku guuleysteen in ninkii dilka geysanayey ay isla goobta ku toogtaan, waxaan gacanta ku heynaa hubkii uu dilka ku geystay,” ayuu yiri Yaasiin Ganey.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidanka oo roondo ku jira ay la kulmeen falka uu geysanayey ninkaas, iyagoo ku guuleystay inay isagiina goobta ku toogtaan.

“Wuxuu rabay inuu shacabka ku dhex dhuunto, laakiin mudnaantiisa ayaa la marsiiyey, dilow dilbaa kuu dambey doona,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha booliska qeybta galbeed ee gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey).

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey mudooyinkaan dambe, waxaana yaraaday dilkii iyo qaraxyadii ay ka geysa jireen kooxaha argagixisada ah, iyadoo taas loo sababeynayo kacdoonka shacabka ee gobollada ka heysta kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka daawo taliyaha