Daawo: Ninkii dilay Wasiir Xasan Ibraahim Lugbuur oo isna maanta la toogtay

Baydhaba (Caasimada Online) – Fagaare ku yaalla magaalada Baydhaba waxaa maanta lagu toogtay Ibraahim Meeris Ibraahim oo fuliyey qaraxii lagu dilay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur, halka walaalkiis Maxamed Meeris oo maqane ah isna dil lagu xukumay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo Ibhaahim 23-kii bishaan ku riday xukunkaan ayaa maanta ku fulisay, waxaana toogashada kadib warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda maamulka K/Galbeed.

Wasiir Nuuradiin Maxamed ayaa sheegay in maanta la toogtay dhagarqanbihii dilay wasiirkii isaga ka sareeyey ee wasaaradda cadaaladda K/Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur, isagoo digniin u diray kuwa dadka dila.

“Maxkamadda waan uga mahad celineynaa qisaasta ay maanta fulisay, sidoo kale madaxweynaha oo deg deg u saxiixay tooshadaas ayaan u mahad celinayaa, waa in lagu waano qaato tallaabadaan, kii dadka dili doonow ogow in tiirka lagu gey doono,” ayuu yiri wasiir ku xigeenkii Sheekh Xasan Lugbuur oo todobaadyo ka hor qarax lagu dilay, xilli uu ka soo baxay salaadii Jimcaha.

Maxamed Meeris Ibraahim oo ninka maanta la toogtay ay walaalo ahaayeen ayaa soo qorsheeyey qaraxaas, sidoo kale ninkaas wuxuu ka mid ahaa maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso markii ay Al-Shabaab weerareen sanadkii 2021-kii.

Maxamed Meeris isagoo maqan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka Gabar la yiraahdo Falastiin Aadan Shuceyb, oo Ibraahim uu shukaansan jiray, ay maxkamadu ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inay ka qeyb qaadatay dilaarinta qaraxii lagu dilay wasiirka.

Ibraahim Meeris Ibraahim oo la toogtay maanta ayaa fuliyey qaraxaas ay isaga iyo walaalkiis u qorsheeyeen Adeerkood wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur oo marar badan ninka dilay ka damiintay hey’adaha ammaanka oo ku tuhmay Shabaabnimo.

Hoos ka daawo