Daawo: NISA oo tallaabo ka qaaday dadka la macaamilay Shabaab, soo saartay digniin

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-suggidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horreysay billowday inay tallaabo ka qaado dadka la macaamila kooxda Al-Shabaab, waxayna soo saartay diginin culus.

Hay’adda NISA ayaa howlgal ay sameysay waxay ku qabatay 10 qof oo ay sheegtay inay la macaamilayeen maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo la qabtay ayaga oo kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Twitterka ee hay’adda, kaas oo intaas ku daray.

“Hadda kadib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.”

Afhayeenka Booliska Saadiq Doodishe oo warbaahinta usoo bandhigay 7 oday iyo nabaddoono aaday degaanada Al-Shabaab lana macaamilay kooxda ayaa sheegay in loo haysto inay kooxda sameeyeen la-macaamil maaliyadeed iyo mid maamul, loona gudbin doono xeer ilaalinta, si loo maxkamadeeyo.

Tallaabadan ayey NISA ku sheegtay inay qeyb ka tahay amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa inaan kooxdaas lala macaamili karin, lana tagin meel ay joogaan. 

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Bay, waxayna ciidamada dowladda la wareegeen degaano ay Al-Shabaab hore u haysteen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa cadaadiskii ugu xooganaa ee la saaro, waxaana dagaallo iyo beegsi looga furay deegaano badan, taasi oo qasabtay in deegaano badan ay ka cararaan.

Hay’adda NISA ayaa qeyb ka ah dagaalka lagu hayo kooxdan, ayada oo ciidamada halganka ku jira ku caawineysa siyaabo kala duwan.

Toddobaadkii hore ayay sidoo kale howlgal ay NISA sameysay kusoo qabatay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, hub iyo rasaas ay wateen kuwaas oo laga qabay saddex guri oo kala duwan oo ay daganaayeen, iyada oo sheegtay ‘inay fashilisay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan’, kaas oo ay ka war heshay.