Daawo: R/W Xamza oo balan-qaad culus ku dhowaaqay kadib weerarkii Hotel Xayaat

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku shahiiday weerarkaasi – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa saxaafadda kula hadlay Hotelka Xayaat oo mudo labo cisho ah ay ka dhex dagaalamayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa balan qaaday in Xukuumada Soomaaliya ay si rasmi ah u qaada doonto doorkeeda badbaafinta dadka Soomaaliyeed iyo hantidooda, isla markaana qiimeyn lagu samey doono khasaarihii ka dhashay weerarkaas.

“Dhibka dhacay waan aragnaa waxaana lama huraan ah in xukuumaddu ay doorkeeda qaadato, waxaa qaada doonaa door ah badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, waxaan balan qaadeynaa in arrintaas aanaa u kala hari doonin,” ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dhibkaan uu gaaray guri kasta oo Soomaaliyeed, isla markaana ay xukuumaddu diyaar u tahay inay qaadato masuuliyad dhab ah.

“Muhiimada xukuumaddaan waa in amni la helo, si balan qaadkaas aan uga dhabeyno xukuumaddu waxay diyaar u tahay isla xisaabtan, qiimeynta dhibkii dhacay gacanta ayaan ku heynaa, waxaana diyaar u nahay inaan duruus ka barano, amnigana wax ka bedelno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka amniga Soomaaliya.

Wasiir Doodishe ayaa ugu dambeyntii aad u amaanay ciidamada ammaanka oo dadaal badan ku bixiyey inay badbaafiyaan dadka, sidoo kale wuxuu u tacsiyeeyey dadkii ku waxyeeloobay weerarkaas oo kooxdii fulisay lasoo afjaray oo dagaalameysay 48 saacadood.

Ugu yaraan 25 qof oo milkiilihii hotel Xayaat uu ku jiro ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana lagu dhaawacay oo isbitaallada yaalla 120 kale, sida ay cadeeyeen hey’adaha caafimaadka, iyadoo la qarxiyey dhamaan haraadiga qaraxyadii ay wateen kooxda soo weerartay Hotelka.

Hoos ka daawo