Daawo Sawirrada: DF iyo hay’adaha ajaanibta ah oo Isbaaro dhigtay wadooyinka Muqdisho (Yaab)

Muqdisho (Caasimada Online) – DF Somalia ayaa xiligaani caqabad aad u ballaaran ku heysa shacabka ku nool magaalada Muqdisho kadib markii ay dhagxaan waaweyn ah ku jaratay wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada.

Magaalada Muqdisho ayaa xiligaani ah mid kala xiran iyadoona ay xusid mudan tahay in wado waliba ay u xirantahay DF iyo Hay’adaha ajaanibta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Xiliyada aad dhex socto magaalada ayaa waxa ay ishaadu qabaneysaa dhagxaanta waaweyn ee Shubka laga sameeyay oo Hoteelada iyo xarumaha Dowladda hortooda la dhigay.

Dhagxaantaasi ayaa waxaa sidoo kale hortaagan Ciidamo ka tirsan Dowlada oo iyagu sheega inay ka hortagayaan weeraro, inkastoo goortii la damcana aysan waxba celin Karin.

Wadooyin muhiim ah ayaa xiran Magaalada gudaheeda, taasi oo aad ka dareemaysid marka aad Magaalada dhexjoogtid ciriiriga gawaarida iyo saxmada jirta waxa ayna Dowladu taasi u aragtaa sharaf.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
26

25

24

23

22

17

18

19

20

21

16

15

14

13

12

7

8

9

10

11

6

6

5

4

3

1

2