Arag sawirro: Dhibka laga dhexlay mushaar la’aanta ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee ka howlgala Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay Kooxo burcad ah oo degmada ka geysan jiray falal tuugnimo ah.

Ciidamada ayaa falkaani burcadnimo usoo xiray ilaa 3 ruux oo midkood uu ku hubeysnaa qoray iyo booshash, waxaana laga helay Mobilo aad u farabadan.

Laba kamid ah 3-daasi ruux ayaa ka tirsan ciidamada Xooga dalka, halka ruuxa seddexaadna uu ahaa mid shaqadiisu tahay baaritaanka dadka dhaca loo geysanaayo.

Seddexdaani burcad ayaa lagu wareejiyay Maxkamada waxaana la filayaa in lagu abaal-marin doono xukun.

Ciidamada Dowlada ayaan lasiin wax mushaar ah waxa ayna dib ugu laabtaan dadka shacabka ah oo ay ka dhacaan Mobilada iyo waxyaabaha ay wataan.
Hub

1

2

3

4