Daawo Sawirada Sida loo kala qaaday Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee uu Dagaalka u dhexeeyay

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa maanta lagu guuleystay kala qaadida ciidamada Puntland iyo Galmudug oo isku horfadhiyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Kala qaadida ciidamada oo timid Heshiiska labada maamul kadib ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan DFS, Puntland iyo Galmudug.

Mas’uuliyiinta goobta lagu kala qaadayay labada ciidan ku sugnaa ayaa waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid,Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Kulanka lagu go’aamiyay in lagu kala qaado labada ciidan ayaa maanta ka dhacay Dooxada Galbeed ee Magaalada gaalkacyo halkaas oo ay isku hor fadhiyeen Ciidamada labada Maamul.

Wadahadal dheer kadib ayaa waxaa lagu guuleystay in labada ciidan ay kala qaadan mas’uuliyiintaasi, waxaana suuragashay in labada dhinac ay u hogaansamaan Heshiiska dhigaaya in labada ciidan la kala qaado.

gaalkacyo-1 gaalkacyo-2 gaalkacyo-3 gaalkacyo-4 gaalkacyo-5

gaalkacyo-8 gaalkacyo-9 gaalkacyo-10 gaalkacyo-11 gaalkacyo-12 gaalkacyo-13 gaalkacyo-14 gaalkacyo-15 gaalkacyo-16 gaalkacyo-17 gaalkacyo-18