Daawo sawiro argagax leh oo laga soo qaaday Meydadka Askartii Galmudug ee duqeynta lagu dilay

Cadaado (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigay Meydadka Askartii lagu dilay duqeynta ka dhacday Degaanka Jeexdin ee Waqooyi Bari Gobolka Mudug.

Maamulka ayaa aas Qaran u sameeyay Askarta sababsatay duqeyntii ay isla maleegeen dowlada Mareykanka iyo maamulka Puntland.

Aaska Askarta ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaar ka mid ah Bulshada Gaalkacyo.

Goobta Aaska ayaa waxaa laga sheegay in weerarka uu ahaa mid laga shaqeeyay isla markaana laga damacsanaa dano gaar ah.

Mas’uuliyiinta Aaska ka qeybgashay ayaa cambaareeyay falkaasi, waxa ayna farta ku godeen in dano gaara laga lahaa weerarka.
meyd-1

meyd-2

meyd-3

meyd-4