Daawo Sawirrada: Warshiikh shalay iyo maanta!!

Degmada Warshiikh waxa ay ka mid tahay  Dagmooyinka Goblka Shabeelaha Dhaxe waxa ayna dhacdaa dhul ahaan Koofur Bari ee G/Shabeelaha Dhaxe. Waxa ay taariikh ahaan Degmada Caan ku tahay Faafinta Diinta Isalaamka iyo in ay tahay Xarun taariikh ku leh baahii Diinta Islaamka iyo Fahamkeeda ee umadda Soomaaliyeed.

Ka hor xurnimadii Soomaaliya, Degamada Warshiiq waxa ay fariisin strategic ah oo ganacsi u eheyd Boqortooyadii Cuman waxa ayna sidoo kale fariisin military u eheyd gumeestihii talyaaniga oo maamulayay inta badan gobolada koonfureed taasoo ka mid ah wax yaabaha ku tusinaya taariikhda fog ee Degamda Warshiiq.warsheekh-22
Waxa ay Xudud la leedahay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho dhanka woqooyi Bari ee Xeebta dheer ee Badweynta Hinidya laga bilaabo deegaanka Ceel Cade ilaa Deegaanka Bashaqle. Degamada Warshiikh waxa ay  ka koobantahay 45 Tuulo. Dadka ku dhaqan Degamada Warshiikh lagama haayo tiro koob rasmi ah balse waxaa lagu qayaasaa ku dhawaad 65,000 oo qof.

Degamda Warshiikha waxa ay ka mid tahay degmooyinka Alle ku galadeestay Khayraadka Kala duwan sida Xoolaha Nool, Khayraadka Badda iyo Wax soo saarka Beeraha taasoo ka dhigaysa Dagmada mid leh fursado Dhaqaale iyo wax soo saar.

Ka dib bur burkii maamulkii militariga ee Madaxweyne Siyaad Bare, Degamada waxa ay la wadaagtay degmooyinka kale ee Gobolka Shabeelaha dhaxe dhibaatooyinkii kala duwanaa hadeey ahaan lahayd mid amni, Dhaqaale iyo bulsho.warsheekh-10

Maqnaashaha maamul dowladeed ee mudadii bur burka waxa ay keentay in Bulshada deegaanka ay abuurto jawi wada tashi iyo wada shaqayn oo ay uga badbaadaan dhibaatooyinka taagnaa xiligaasi iyadoo abaabulo gudaha iyo Dibada ah la sameeyay si bulshada ka soo jeeda deegaanka ay kaalin muuqata uga qaataan dib u soo celinta noolasha dagmada.

Waxaa suuragashay in tiro mashaariic ah ee horumarineed laga fuliyo gudaha dagmada taasoo ay qeeb wen ku lahaayeen dadka daljoogta iyo dibad joogta ah ee ka soo jeeda Dagmada iyagoo gacan ka helaayay hey’adaha caalamiga ah. Waxaa suuragalay in la dhiso xarunta Hooyada iyo Dhalaanka Degamada (MCH) kaasoo baahi weyn loo qabay sidoo kale waxaa la dhisay Dugsigii hoose iyo Dhaxe ee Dagamada kaa soo wax badan ka qabtay howlaha wax barasho ee carrurta Dagamada.

Dagamada ayaa waxaa soo maray maamulo kala duwan xiliyadii dowladii kacaanka, sandahii dhaxe ee bur burka, maamuladii Kumeel gaark ahaa iyo dowladda rasmiga ah ee hadda ka jirta wadanka Soomaaliya.warsheekh-1

Maalin Khamiis ah oo ay taariikhdu eheyd 02July 2015 waxaa si rasmi ah ula wareegay xilka guddomiye nimo ee maamulka Degamada Warshiiq Korneel:- Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo ay u soo magacaawday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Korneel:- Axmed waxa uu ku dhashay  Deegaanka Qoroloow ee DegmadaWarshiikh taarikhda markii ay eheyd 1969 waxa uuna wax barshadiisi hoose, Dhaxe iyo sare ku qaatay Degamda Marka ee G/Shabeelaha Hoose . Colonel:- Axmed waxa uu xilial kala duwan oo inta badan ah ciidanimo ka soo qabtay laamaha amniga ee Soomaaliya laga soo bilaabo Dowladdii militariga eheyd ee dhaxe sida xabsiga dhaxe ee Marka isagoo ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta soomaaliyeed.

Maamuladii Kumeel gaar, waxa uu soo qabtay xilila taliyanimo ee Booliska Soomaaliyeed isagoo ka soo shaqeeyay gobolka shabeelaha dhaxe.  Sanooyinkii ugu danbeeyay waxa uu soo qabtay xilal taliyanimo sida Taliyaha Rugta Ilaalada Canshuuraha ee Galgalato, Taliyaha Ururuka labaad ee Daraawiishta- Xarunta Booliska ee Saranti, Taliyaha saldhig  Waabari iyo Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir halkaasoo wax wayn uu ka qabtay arrimihii amni ee Dagamooyinkaasi.warsheekh-3
Xil wareejinta ka dib, waxa uu gudoomiye Shiidka bilaabay in uu fuliyo barnaamijkiisi maamuleed ee uu ugu talagalay in uu ku fuliyo dagmada waxa uuna durbadiiba bilaabay in uu isugu yeero goloyaasha dagamda iyo qeybaha bulshada ee ku nool dagmada.

Waxa uu kulamo isbarasho ah iyo kala xog qaadasho la yeeshay maamulada afarta waaxood ee magaalada warshiiq iyadoo kulamadiisaasi lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa ee maamul soo mara dagmada uu la yeesho maamulkiisa hoose ee heer dagmo waxaana ka soo baxay shirarkaasi in dib u habeyn iyo tayeeyn maamuleed lagu sameeyn doono ururada dhalinyarada iyo haweenka ee dagmada kuwaasoo laf dhabar u ah howlaha bulsheed ee dagmad iyadoo afarta waaxood iyaguna uu ku amray guddomiyaha in ay laba laabaan dar dargaliyaana holwlahooda.

Waxa uu maalmo yar ka dib ku guuleestay in uu qabto munaasabad afur ah oo ay isugu yimaadeen dhammaan bulsho weynta ku nool Dagmada Warshiikh kana kala yimid dhammaan tuulooyinka ay ka koobantahay dagamada waxa uuna ahaa kulankaasi isbarasho iyo soo dhaweeyn gudoomiyaha cusub isagoo goobta ka balanqaaday in uu si gaar ah uga shaqayn doono howlaha nabadaynta iyo dib u hishiisiinta Dadka walaalha ah ee Dagan dagmada maamulkiisuna uu gacan weyn ka geeysan doono hirgalinta dadaaladaasi.warsheekh-6

Si loo dar dar galiyo howlaha la xiriira Amniga Dagmada, waxa uu guddomiye Shiidka shirar kala duwan la galay taliska Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM iyagoo ka wada hadlay sida loo xoojin karo iskaashiga Amni ee ka dhaxeeya maamulkiisa iyo Taliska AMISOM waxa ayna isla afkarteen in si wada jir ah ay u wajihi doonaan sugidda aminga ee Deegaanada hoos yimaada Degamada.

Iyadoo laga duulayo ahmiyada ay leedahay isdhaxgalka bulshada ayuu durbadiiba waxa uu guddomiyaha Dagamada daah furay Tartanka Kubadda Cagta ee Dagamada kaa soo ay ku tartamayaan afarta waaxood ee magaalada Warshiikh waxaan si aad ah u soo dhaweeyay qeebaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dagmada.

Mar aan kula kulnay guddomiyaha dagamada xafiiskiisa ayaan waxa an weydiinay wax yaabaha ugu waaweyn ee uu doonayo in uu ka qabto dagmada waxa uuna noo sheegay in uu wax ka qabanayo 5 qodob oo kala ah:-

warsheekh-4

  • Amniga:- waxa uu sheegay Guddomiyaha in uu bil gudaheeda la keeni doono ciidan boolis ah oo ay leedahay dagamada kuwaasoo tababar siindoono ciidamo laga soo qoraayo deegaanka ka dibna si toos ah looga dhigaay boolis la wareego amniga dagmada iyo sidoo kale in ay goor dhaw howlgali doono taliskii Nabad sugiida ee Dagamada. Waxa uu kaloo sheegay in goor dhaw la dhisi doono saldhigii booliska dagamada oo casri ah kaa soo qeebweyn ka qaadan doono amniga dagmada
  • Maamul wanaaga:- guddomiyaha cusub ee dagamada ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu maamulkiisa uu ku salaysnaan doono dowlad wanaag, sinaan, hufnaan, wada tashi iyo in maamulkiisa uu noqdo mid ay marwalba la xisaabtamaan bulshada dagamada.
  • Adeegyada Bulshada:- mar uu ka hadlaayay sida uu wax uga qabandoono adeegyada bulshada ee dagmada taasoo dadka dagamada ay baahiweyn u qabaan ayuu waxa uu balanqaaday in dib u habayn iyo balaarin lagu samayn doono xarumaha caafimaad ee ku yaala degamada sida xurumaha Hooyada iyo Dhallaanka. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in dib loo furi doono Dugsigii Hoose, Dhaxe & Sare ee Dagmada kaasoo shaqooyinkiisa hakada ay galeen waayahii danbe sidoo kale in wax barashada hoose lagu fidin doono ilaa heer tuulo oo laga hirgalin doono goobo waxbarasho.
  • warsheekh-7
    Kaabayaasha Dhaqaalaha:-
     waxa uu sheegay guddoomiyaha in uu diyaarin doono barnaamij lagu dhisaayo jidka ka yimaada Deegaanka Ceelmacaan ee soo gala Dagamada kaasoo ay ka jirto dhibaato bacad ah oo ay dhib ku qabaan gaadiidka soo gala ama mara dagmada waxa uuna sheegay in la saari doono JAAY si KMG ah si ay u fuduaato isu socodka gaadiidka taasina ay qeeb ka qaadato koboca dhaqaale ee Dagamada. Waxa uu sidoo kale guddomiyaha balanqaaday in uu bilaabi doono mashruuc looga faa’iideesanaayo kheyraadka badda ee Dagamda kaa soo isugu jira Tababar kaluumaysi, Qaybinta Agabka kaluumaysiga iyo dhisida Suuq lagu iibiyo laguna keydiyo kaluunka taaso fursado shaqo abuur siin doonto dhalinyarada dagamada korna u qaadi doonto koboca dhaqaalaha ee dagamada.
  • Cadaalada:- Si loo xaqiijiyo garsoorka iyo cadaalada dagmada, waxa uu guddomiyaha cusub ee dagmada balanqaaday in goor dhaw la dhisi doono xaruntii maxkamadda Garsoorka ee Dagmada isagoo la kaashan doono maamulka heer gobol iyo hey’adaha caalamiga ah waxa ayna qeeyb ka gali doontaa nidaamka garsoorka ee dagmada kaa soo ah mid ka madaxbanaan hey’adaha fulinta ee Dowlada.warsheekh-5

Shantaas barnaamij ayuu mid mid noogu sharaxay guddomiyaha cusub ee maamulka Dagamada Warshiiq in uu ka qabandoono dagamada isagoo crarabka ku adkeeyay in lagu gaari karo iskaashi ka yimaada dhamman qeybaha ay quseeyo hadeey ahaan laheed Dowlada heer gobol iyo heer qaran, bulshada ku dhaqan ama ka soo jeeda deegaanka iyo hey’adaha caalamig ah ee taakuleeya soomaaliya.

Ugu danbayn ayuu guddomiyaha dagamada Korneel:- Axmed Xuseen Axmed (shiidka) waxa uu baaq codsi ah u diray maamulka heer gobol ee shabeelaha dhaxe oo ku saabsan in gacan buuxda laga siiyo hirgalinta barnaamijkiisa maamul ee dagamada sida amniga, adeegyada bulshada iyo dib u dhiska.

warsheekh-8Waxa uu sidoo kale guddomiyaha baaq u diray bulsho weynta ku dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisa ee ka soo jeeda dagamda kaasoo ah in ay kaalin weyn ka qaataan dib u noolaynta dagamda Warshiiq waxa uuna halku dhig u soo qaata dal waxaa dhisa dadkiisa uu ula jeeday in ay si gaar ah uga soo jeedaan deegaankaan asal ahaan iyaguna ay yihiin cida sida gaarka ah looga fadho in ay gacan ka geestaan dib u dhiska dagamada.

Talo iyo taakulo intaba kala xiriir maamulka Dagamada ciwaanda hoos ku qoran

Tell:- + 252612343430/+252615504492

E-mail:- Dagmadawarshiikh@gmail.com