Daawo: Senator Mashruuc oo war kasoo saaray xiisadda ka taagan BOOSAASO

Boosaaso (Caasimada Online) – Senetor Maxamuud Axmed Mashruuc oo khudbad  magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa baaq ka soo saaray xiisada ka taagan magaaladaas ee ka dhalatay xil ka qaadistii Taliyaha ciidanka PSF ee Puntland, isagoo soo jeediyey in amniga iyo siyaasadda la kala saaro.

Senatorka ayaa wax laga xumaado oo dhaawac ku ah dowladnimada Puntland ku tilmaamay amar diidada ay sameeyeen saraakiisha iyo ciidanka PSF-ta Puntland ee dhufeysyada ka qotay gudaha magaalada Boosaaso.

“Umad kasta oo dunidaan ku nool waxaa kala haga dastuur, sharcigu waa heshiis bulsho, cid kastana waa inay u hoggaansantaa, isagaana kala haga dowladnimada, waxaa dastuurka Puntland ku qoran in madaxweynuhu bedeli karo taliyeyaasha ciidamada, awoodaha loo doortay ayey ka mid tahay, dowladnimada in la ilaaliyo oo shuruucda loo hoggaansamo waa mas’uuliyad na wada saran,” ayuu yiri Senator Mashruuc.

Waxa uu sheegay in taliyaal badan xilka laga qaaday mudooyinkii u dambeeyey, balse hadda uu muran ka yimid xilka qaadistii Taliyaha PSF, taas oo sida uu sheegay aan sax aheyn, caqabadna ku ah dowladnimada iyo kala dambeynta Puntland.

“Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka saraakiisha PSF hadii aad siyaasad u baahan tihiin soo gala, hadii aad ganacsi u baahan tihiina gala, laakiin sax  maaha in la isku milo amniga iyo siyaasadda, Puntland dowladnimadeeda ayey tani ceeb ku tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Mashruuc.

Sidoo kale Senatorka ayaa soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo mustaqbalka iyo hab dhaqanka ciidamada ay Soomaaliya u tababaraan dowladaha shisheeye ee saaxiibka la ah dowladda Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo