Daawo: Sheekh Xasan Daahir oo ku soo biiray dagaalka KHADIIJA DIIRIYE iyo UMAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa soo fara-geliyey xiisadda ka dhex-qaraxday wasiirka haweenka xukuumada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Xasan Daahir Aweys ayaa toos u duray wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, isaga oo tilmaamay inay wado fidno, sida uu hadalka u dhigay.

“Waanaagii ayaa inta aad la dirirtaan waxaad dooraneysaan bakhtiga. Fidnada Diinta la fidneeyo ayaa ka fidno badan dilka,” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray “Waxaad wadaan ayaan garaneynaa, meesha ay ka yimaadeen sidaad u socotaan ayaan garaneynaa waxaan qurunkaa naga joojiya”.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sidoo kale ka jawaabayey hadalkii wasiir Khadiija Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in eedeymaha ay u jeedisay Sheekh Umal ay iyada lid ku yihiin, isla-markaana ay haatan wax ka wado qaanuun uu sheegay in uu wax u dhinayo Diinta.

“Qanuunka xunka ah ayaad rabtaan inaad ku meel marisaan inta aad qeel-qeelisaan, gabdhaha idinka ayaa dariishadaha kasoo tuura,” ayuu markale yiri Sheekh Xasan.

Dagaalkan oo marba marka dambeysa cirka isku sii shareeya ayaa ka dhashay surwaal ay dhowaan xiratay wasiirka haweenka, kaas oo uu Sheekh Umal wax laga yax-yaxo ku tilmaamay lebiska ay isku soo sawirtay wasiir Khadiija, isagoo tallaabadaas ku macneeyey mid fariin culus xambaarsan oo dhaqanka suuban ee Muslimiinta meel ka dhac ku ah.