Daawo: Shirkii golaha wasiirada oo lasoo xiray iyo R/W Xamza oo war soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo soo xiray kulan-wadareedkii labada maalmood u socday golaha wasiirrada Soomaaliya, ayaa xubnaha xukuumadiisa ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan wasaaradaha xukuumadda sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran.

Sidoo kale Xamza Barre ayaa kula dardaarmay wasiirrada in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo sahli karta xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta hey’adaha dowladda, wixii qabyo ka ah hay’adaha dowladda waan qabyo tiri doonaa, wixii wax u bilaaban yihiina waa inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Maalintii labaad oo kulan-wadareedkaan golaha wasiirrada uu ka socday Muqdisho waxaa maanta furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jamaac, waxaana jirtay in khubaro, aqoonyahanno iyo la-taliyeyaal sare ay golaha u sharaxeen hanaanka hab-maamuuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, cadaaladda iyo garsoorka, horumarinta dhaqaalaha dalka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, labadii maalmood oo ay goluhu ku guda jireen Kulan-Wadareedkan waxay falanqeyeeyeen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrada, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.

Hoos ka daawo