Daawo Video: Ka warran haddii uu ahaan lahaa Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa khamiistii magaalada Chicago ee gobolka Illinois oo uu kasoo jeedo ka dhiibtay codkiisa doorashada madaxweynaha ee dhici doonta 6-da November.

Illaa 34 gobol oo ka tirsan Mareykanka ayaa ogol inaad codkaad xilli ka horeeya maalinka doorashada dhiiban karto, waxaana loo yaqaan (Early Voting).

Sharciga Illinois ayaa dhigaya in hadaad ka qeyb galeyso Early Voting lagaaga baahan yahay inaad tusto ID Card, inkasta oo aan kaas lagaaga baahneyn maalinka doorashada.

Waxaa cajiib ahaa in markii madaxweyne Obama uu soo galay goobtii uu codkiisa ka dhiibanayay ay haweeney meesha joogta weydiisay madaxweynaha inuu tuso ID Card-kiisa, isagana wuu aqbalay, oo wuxuu tusay Driver License-kiisa .

Waxa ay ku tuseysaa sida dalalka horumary sharciga looga siman yahay, jagadaada doonto sido’e.

Markaas ayaan is weydiiyay ka waran haddii uu ahaan lahaa madaxweyne Xasan Sheikh, oo uu soo gali lahaa meel sidaas oo kale, waa kuma qofka Soomaaliga ah ee ku dhiiran lahaa inuu weydiyo ID Card-kiisa. Waxaan kale oo is weydiiyay haddiba ay dhacdo in la weydiiyo, waxa ay oran lahaayeen kuwa ilaalada u ah?.

Waxaan illaah ka baryeynaa in dalkeena uu nabad I nooga dhigo oo uu na gaarsiiyo heerkaas oo kale, oo uu ina siiyo xoriyad iyo sinnaan ku saleysan diinta Islaamka.

Halkan ka Daawo Obama oo la weydiinayo ID Card-kiisa.