Daawo Video: R/W FARMAAJO oo si heer qaran ah loogu soo dhaweeyay Sweden + Qorshahiisa!

Göteborg (Caasimada Online) –

Raysalwasaarihii hore ee dalkeena Soomaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda labaad ee dalka sweden ee Göteborg.

Mudane Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa dalkaan soo gaaray kadib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay urur Soomaliyeed oo Arimaha is dhexgalka iyo sportska ka shaqeeya oo ka jirra magaaladda Göteberg.

Sidoo kale Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay Aaska wiil Soomaliyeed oo nin cunsuri ihi uu ku dilay Uskuul dhexdiis asagga iyo macalin caawiye ahaa lagu dilay magaaladda Tröllhän oo ah magaalo waxyar un u jirta Göteborg.

Mudane farmaajo ayaa waxaa uu halkaasi kaga tacsiyeeyey Qoyskii uu ka geeriyooday wiilka Soomaliyeed asaggoo Waalidkii Wiilkaasi uga baryey ilaahay inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo wiilkooda isla markaana waxaa uu Mudane farmaajo bulshadda Soomaliyeed u sheegay in Shacabka iyo Dowladda Sweden aaysan ahayn shacab xun balse shaqsi xun wuxuu sameeyey aaysan saamayn quluubta umaddeena Soomaliyeed asagoo tusaale usoo qaatay in Dowladda iyo Shacabka Sweden aay yihiin kuwa siiyey meelo aay dagaan isla markaana wadankooda kusoo dhaweeyey.

Dhanka kale waxaa asna aaskii wiilka Soomaliyeed ee lagu dilay Tröllhätan kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashadda dowladda Sweden Gustav Fridolin kaasoo uga tacsiyeeyey waalidkii dhalay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid wiilkooda.

Wasiirka waxbarashadda ayaa sidoo kale si gaar ah ula hadlay Raysalwasaare Farmaajo intii lagu jiray Tacsidda asagoo uga Mahad celiyey Farmaajo kasoo qayb galka aaska Qaran ee ee loo Sameeyey Wiilkaas isla markaana waxaa uu Wasiirku Sheegay inaay Dowladda Sweden danaynayso in mar labaad uu Sweden yimaado Farmaajo si wax badan oo Arimaha Soomaliya quseeya looga wadda hadlo.

far13 far12 far10 far9 far8 far7 far6 far4 far3 far2 far

Caasimada Online
Xafiiska Göteborg
caasimada@live.com