Daawo: Waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha Puntland oo la shaaciyey

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shaaca ka qaaday xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha maamulka Puntland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ballanqaaday inay doorashada madaxtinimada Puntland oo haatan ka dhiman tahay sanad iyo dhowr bilood ay ku dhici doonto waqtigeedii 8-da January 2024, islamarkaana aanu waxba iska beddelin jadwalkaas.

Cabdirashiid oo sidoo kale ka hadlay dimuqradiyadda Puntland, ayaa bulshada ka codsaday in lasoo dhoweeyo nidaamkan isagoo hambalyeeyey fariisinta golaha deegaanka degmada Eyl oo ka mid ah seddexdii degmo ee ku yimid doorashada qof iyo cod.

Hase yeeshee, uma muuqato in Puntland ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah, maadaama hadda un ay tijaabada arrintaas ay socoto, waxaana mar kale madaxweynaha dooran doona Golaha Wakiilada.

Madaxweynaha iminka ee Puntland Saciid Deni ayaa la filayaa inuu mar kale xilkaas isku sharxo, hase yeshee ma badna rajada uu dib ugu soo laaban karo, ayada oo Puntland ay caan ku tahay in aanay dib usoo celin madaxweyne xilka mar qabtay.

Madaxweynayaashii ka horreeyey Deni, sida Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole ayaan labadaba dib loo soo dooran.

Maamulka Puntland ayaa madaxweyne cusub doorta shantii sanaba mar, wuxuuna ka duwan yahay maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya oo muddo xileedka uu yahay afar sano.

Si kastaba, bilihii dhowaa afarta maamul goboleed ee kala ah; Galmudug, HirShabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa dheereeyey muddo xileedka baarlamanka iyo madaxweynaha oo ay ku direen hal sano, inkasta oo sharci-darro lagu tilmaamay.