DAAWO: Xildhibaan sheegay in Macawiisley ay ka daran tahay kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) –Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa aad uga hor yimid ciidamada is abaabulay ee Macawiisley oo dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, isagoo sheegay inay yihiin reer Miyi Shabaab ka halis badan.

Cabdirisaaq Xusul oo kursiga #HOP137 ka soo qaatay Dhuusamareeb ayaa ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee Macawiisley ku sifeeyey kuwo khatar ku ah Soomaaliya, isagoo marna aan wax-xun ka sheegin kooxda Al-shabaab oo dhibaato badan ku heysa dadka Soomaaliyeed.

“Macawiisley dhibaatadeeda qofkii aan hada dareemin berri ayuu dareemayaa, wax kasta oo fowdo ku bilowda dhibaato ayey ku dambey doonaan, sidii USC, waan ognahay heerka ay na gaarsiiyeen kooxo hubeysan,” ayuu yiri Xusul.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Macawiisley waan ognahay Geeley waaye, waa dad Miyi ku nool oo cadiifad qabali ah ay kicisay, waan oganahay dhibaa heysta, laakiin dowladda ayaa laga rabaa inay dhibkaas ka dul qaado.”

Xildhibaankaan ayaa golaha shacabka ku metela degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo Al-shabaab ay ka taliyaan ilaa intii ay aas-aasnaayeen, weligiisna lama arag isagoo ka hadlaya dib u xoreynta deegaankiisa, haatana wuxuu u muuqdaa nin dhibsanaya dadka u kacay inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.

Xildhibaan Xusul wuxuu horay uga tirsanaa NISA, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii kursiga ku helay madaxa Fahad Yaasiin oo awood badan lahaa intii ay jirtay dowladdii Farmaajo.

Hoos ka daawo