Dab mar kale caawa ka kacay suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xoogan ayaa caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Dahablaha, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dabkan oo aan la ogeyn waxa sababay ayaa qabsaday Bakhaar ku yaalla qeybta Dahablaha, waxaana la sheegay inuu ku faafay qeybo horleh.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay aaggga uu Dabka ka kacay, waxayna ka hortagayaan in bililiqeysto hantida shacabka.

Gaadiidka Dab damiska iyo gurmad loo fidiyey ayaa ku guuleystay in dabka ugu dambeyn la damiyo.

Bishii dhamaatay ee Janaayo ayaa sidan oo kale Dab waxa uu ka kacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Huudheyda.

Inta badan Dabka qabsada Suuqyada ayaa ilaa hadda aanan loo helin xal looga hortagi karo musiibooyinka Dabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com