“Dadka DF u xiran waa dadka laga tiro badan yahay, taasi ma socon doonto”

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dadka ku xiran xabsiyada Magaalada Muqdisho, ay boqolkiiba sideetan (80%) ka soo jeedaan beelaha laga tirada baddan yahay.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa iftiimiyay in beelahaasi ay soo gaarto dhibaatada ugu badan, isla-markaana ay xaqiiqdu tahay inay muuqato waxyeelada ba’an ee loogu geysanaayo Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku xiran xabsiyaa Magaalada Muqdisho ay lee yihiin xuquuq uu siinaayo Dastuurka Qabyo Qoraalka ee Somaliya, si aan loogu geysan wax ka baxsan, waxa ay mudan yihiin.

Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka, ayaa carab dhabay in Xabsiga Dhexe Xamar uu yahay xabsiga kaliya, ee ay heysato Dowladda Somaliya, ayna ku xiran yihiin 1,400 oo maxaabiis, xilli uu sheegay in loogu talla galay in lagu xiro qiyaastii 4,00 oo qof.

Isagoo sharaxaad ka bixinaayay qaabka uu u dhisan yahay Xabsiga Dhexe Xamar, ayaa wuxuu sheegay in laba qaybood uu ka kooban yahay. Qayb ka mid ah oo loogu talla galay in lagu xiro 2,00 oo ruux, laakiin ay ku xiran yiiin 1,400 oo qof, halka qaybta kalana ay burbursan tahay.

Axmed Cali Daahir, ayaa qaba in nolol xumo iyo caafimaad daraba ay ka dhalan karto ciriiriga daran, ee ka jira Xabsiga Dhexe Xamar.

Axmed Cali, ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegay kulan shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, oo xuquuqda insaanka looga hadlaayay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com