Dadka Soomaaliya ‘oo 50 boqolkiiba halis wajahaya’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay inay abaarta daran ay saameysay ku dhawaan 7.8 Milyan oo qof, taasi oo u dhiganta ku dhawaan 50% tirada guud ee dadkeena.

Cabdiraxmaan ayaa warbixin uu la wadaagay Golaha Wasiirada waxa uu ku sheegay in hal milyan oo qof ay barakicisay abaartu, isaga oo Golaha uga warbixiyay waxyaalaha u qabsoomay muddadii uu magacawnaa.

Sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyay caqabadaha hortaagan ka jawaabista aafada abaaraha, wuxuuna xusay in sababo la xariira la’aanta dowlad mandate leh oo lala macaamilo intii kala guurka lagu jiray, deeq-bixiyayaasha oo daalay (Donor Fatigue), dhaqaale xumo ka dhalatay Covid-19, dagaalka Ukrain iyo sicir bararka ay qayb ka yihiin caqabadaha.

“Kala dhantaalnaanta dhinacyada ku howlan howlaha abaaraha, gaari-waaga goobaha ay argagixisadu maamulaan, culeyska amni-xumida iyo loollanka ku salaysan waajibaadka iyo arrimaha isku dabaridka dhaqaalaha ee ka dhex jira hey’ahada dawladda iyo saaxiibada caalamiga ah, siyaasadaha, istratijiayaha iyo qaab dhismeedka hey’adaha dowladda ee ka shaqeya abaaraha oo aan tayeysneen ayaa qeyb ka ah caqabadaha taagan.”

Ergeyga ayaa soo jeediyay sida ugu wanaagsan ee loo dardar-gelin karo gurmadka abaaraha, isku-duwida gargaarka, isagoo ku baaqay in Coordination-ka dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada la xoojiyo iyo in la helo istiraatiijiyad lagu muujinayo baaxadda abaaraha.

Warbixinta Ergeyga ayaa imaneysa xili kaalmada bani’aadinnmo/Gargaarka (HRP) ay kor u kacday 18% ilaa 79%, sidoo kale maal-gelinta ka hortaga macluusha la kordhiyey ayada oo la gaarsiiyey 86%.