DAGAAL laga cabsi qabo inuu beelaha Habar-Gidir iyo Sade ka qarxo kadib…

Balan-Bale (Caasimada Online) –  Maamulka degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay jiraan cabsi inay ka qabaan burbur ku yimaada hishiis xabad joojin ah oo dhawaan la kala dhex dhigay beelihii ku dagaalamay Gobolkaasi.

Deegaanka, ayaa waxaa horey ugu dagaalmay maleeshiyooyin kasoo kala jeeda beelaha Habar-Gidir iyo Mareexaan.

Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Balanbal Rujaal Axmed Maxamed ayaa u sheegay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho in cabsidaasi ay timid kadib markii dhinac kamid ah dhinacyadii dagaalamay uu si aargudasho ahaan ah dil uu kaga geystay deegaan Degmada Hoostaga.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ruuxa weerarka loo geystay uu ku dhaawacmay hoygiisa xiligii afurka, isagoo taasi u sababeeyay inay horseedi karto burburka dib u hishiisiintii la wada gaaray.

Madaxa arimaha bulshada ee maamulka Degmada Balanbal ayaa sheegay in dhankooda ay wadeen isku soo dhaweynta labada beel ayna sii wadi doonaan qorshaha wanaajinta xiriirka labada maleeshiyaad ee dagaalamay.

Wuxuuna ka dalbaday dhinacyada horay u dagaalamay inay dhankooda ka shaqeeyaan nabad galyada deegaanka ayna kala xadidaan maleeshiyaadkooda, si dagaalo kale aysan kaga dhicin deegaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com