Dagaal siyaasadeed xuddunta ku haya Dekedda Kismaayo oo DF iyo Jubba ka dhex qarxay, xilli waqtigu dhow yahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Qodobada lagu heshiiyay Heshiiskii Addis Ababa ee Dowladda Somalia iyo Axmed Madoobe ee ku saleysnaa dekadda Kismaayo waxay ahayeen sida tan:

14) – Maamulka Dekada iyo garoonka Kismaayo waa in lagu wareejiyaa DFS mudo 6 bilood ah kadib, laakiin hada waxaa sii shaqeynaya maamulka jira. Muddo 6 bilood ah kadib dowlada ayaa maamul tayo leh usoo magcaabi doonta iyadoo la tashanaysa maamulka kmg ee Juba.

15) – DFS waxay masuul kasocda waaxda socdaalka umagacaabaysaa dhamaam xuduudaha deegaanada maamulka.

16) – Waa in dhaqaalaha kasoo xarooda Dekada iyo garoonka Kismaayo loo maamulaa si cadaan ah oo musuqmaasuq lahayn, loona siticmaala oo kaliya sugida amniga,adeega bulshada iyo xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanada Juba.

17) -Qaabkan loo maamulayo dekada iyo garoonka Kismaayo wuxuu sii shaqayn doonaa ilaa laga soo saarayo xeerka dhaqaala qeybsiga DFS iyo maamulada xubnaha ka ah.

Afartan qodob marka aad aqriso waxa aad modaa in DFS ay wixii ay dooneysay ku heshay heshiiska, laakin maamulka Jubba oo aqoonsi raadis ahaa waqtigaas, ayaan dhag jalaq u siin heshiis yadaas sidaasna ku qaatay, ayada oo xaalku u ekaa “Haye yey dishaa?”

Hadal haynta Dekadda Kismaayo ee hadda

sawir-heshiis-31

DFS waxaa ay hadda wadaa dadaalo ay dooneyso in ay ku hanato maamulka dekadda Kismaayo oo ah il dhaqaale muhiimna u ah koboca dhaqaalaha ee wadanka.

Dekadda Kismaayo hadda waxaa ka dhoofa qudrada qaar iyo sisinta waxana dekadda ka soo daga gaadiid, raashiin, iyo shidaal, daqliga canshuur ahaanta looga qaado gaadiidka iyo ganacsatada waxaa qaada maamulka Jubb una isticmaalo in lagu maareeya arrimaha maamulka KMG Jubba.

Necholas Kay oo ah ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo 20/01/2014 tagay Kismaayo kana qeyb qaatay xaflad caleemo saar ah oo maamulka Jubba loogu qabnayay magalada, ayaa ka yiri hadal aan laga fileyn madasha.

Ammaan iyo boogaadin uu u jeediyay maamulka Kaddib Kay ayaa yiri “Waa muhiim in la dhaqan galiyo heshiiskii Adis lagu soo galay kaas oo ahaa in dekadda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay maamusho DFS ayadoo la raacayo war-murtiyeedkii Addis lagu qoray Heshiiska labda dhinac kaddib”.

Warka Kay ayaa noqday filaar ka kulul dab oo ku dhacday maamulka KMG Jubba laakin ma jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen hadalka Kay madaxda maamulka Jubba.

DFS ayaa ku jirtay hardan ku aadan hanashada dakadda Kismaayo oo ay iyada u aragto in ay tahay hal dheys ah.

Maamulka KMG Jubba ayaa iska dhaga tirayo hadalada ku aadan arrimaha dekadda Kismaayo waxaana ay mar walba yihiin kuwa hawlahooda iska wata halka warbaahinta ay DFS badana hadal heysa in lagu soo wareejiyo dekadda Kismaayo.

Tani, haddii ay dhacdo waa wadkii Axmed Madoobe, waayo taliyaha cusub ee la filayo inuu ka yimaado Sierra Leone waxa uu noqon doonaa mid dhageysta oo ka amar qaatay taliska Amisom ee Muqdisho oo ku xiran dowladda Somalia.

Dhowr maalmood ka hor, ayuu Axmed Madoobe kiciyey shacabka Kismaayo una sheegay inay u banaan-baxaan kalgaceyl ay u hayaan ciidanka Kenya ee halkaas jooga, si aan looga beddelin magaalada.

Si kastaba, waqtigii waa uu soo dhowaanayaa, waxaana muuqata in xaqiiqdi ay soo bixi doonto, waxaana hadda DFS ay waddaa diblomaasiyad xooggan, ayada oo hoggaanka ciidanka Amisom ee Kismaayo la filayo in bisha February laga wareejiyo ciidamada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com