Dagaalka shacabka iyo Al-Shabaab oo weli socda iyo wararkii ugu dambeeyey ee tirada lagu dilay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeya ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, xili maalin ka hor ciidamadu la wareegeen deegaanka Aboorey oo kamid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay ku laheyd gobolka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab looga dilay howl-galka 75 dagaal-yahan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab, xili uu howl-galka ka dhanka ah argagixisada oo kasoo bilowday Waqooyi-Bari gobolka Hiiraan uu maanta marayo deegaano ku yaalla Koonfurta gobolka.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa kamid ah guddoomiyihii hore ee Buulo-Burte, Faysal Xaaji Aadan oo ku sugan furinta hore ee dagaalka, isaga oo masuuliyiinta ugu baaqay inay qeybtooda ka qaatan howl-galka socda.

“Dhamaan ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanka ee Macaawisleey ee soo hoysay guushaan la taaban karo. Maanta waxay oohinta ku dambeysa dadkii shalay dadka maatada laayay, waqtiyada soo socda waxay arki doonaa Hiiraan mid ah.”

“Masuuliyiinta kale ee dowlad goboleedka HirShabelle iyo dowladda dhexe qof kasta oo deegaanka kasoo jeeda walaalow imow oo arag dadkaaga waxay ku jiraan arag. Shan kun iyo Toban kun oo qaadatid waxba kuma tareyso haddii la dilayo hooyada, aabaha iyo adeerka.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe waxa ku socday dagaalo culus, ayada oo howl-galada ka dhanka ah ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo qaar kamid ah qabaa’ilada, kuwaasi oo u adkeysan waayay dhibta ay kooxda ku hayso shacabka Soomaaliyeed.