Dalalka Yurub oo billaabay xeelad yaab leh oo Erdogan looga horkeenayo shacabka

Ankara (Caasimada Online) – Sinem Okten, oo ah weriye cayaaraha tebisa oo Turkish ah, ayay la-yaab ay ku noqotay in laba jeer laga diido codsigeeda dal-ku-galka (visa-ha) Yurub. Waxay aalaaba u bixi jirtay soo tebinta cayaaraha iyo waraysiyada cayaaryahannada caanka ah sida goolhayaha Talyaaniga, Gianluigi Buffon iyo tababbaraha Liverpool, Juergen Klopp. 

“Jarmalka iyo Faransiiska ayaan laba jeer oo is xigta ka dalbaday, wayna iga diideen,” ayay tiri. “Safarro badan ayaan dibadda ugu baxay si aan dhacdooyinka, tebinta, iyo waraysiyada cayaaraha ku saabsan usoo qabto. Waana in ka badan 50-60 jeer oo aan safarradaas galo.” 

“Laakiin diidmadan waa middii iigu horreysay oo aan la kulmo.” 

Sida tirakoob lagu muujiyay, dadka Turkida ah ee codsanaya fiisaha dal-ku-galka 26-ka dal ee Yurub ee ku mideysan aagga loo yaqaan Schengen, waxaa dhawaanahan loogu diidayay si isasoo taraysa. Qaar badanna waxaa uga baaqday safarro ay doonayeen inay galaan. 

Xukuumadda Ankara ayaa tallaabooyinkan ku tilmaantay mid lagu doonayo in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu geliyo xaalad adag kahor doorashooyinka soo aadan ee dhacaya sannadka xiga. Laakiin Midowga Yurub ayaa beeniyey eedeymahaas. 

Marka loo eego xogta mareegta schengenvisainfo.com, 16.5% dadkii codsaday fiisaha sannadkii hore waxay la kulmeen diidmo; taas oo ka badan 12.5% dadkii diidmadaas oo kale la kulmay sannadkii kasii horreeyey. Arrintan ayaa ahayd mid isasoo taraysa taniyo sannadkii 2015-ka. 

Kharashka fiisaha – oo gaaraya ilaa 100 Euro, ama saddex meelood meel kamid ah mushaharka ugu yar ee Turkiga lama soo celin karo haddii fiisaha la bixiyay iyo haddii kale.

“Guud ahaan, heerarka diidmada codsiyada fiisaha Schengen ayaa kordhay adduunka oo dhan balse marka la barbardhigo wadamada kale sida Ruushka, kobaca heerka diidmada Turkiga waa mid ka weyn oo joogto ah,” ayuu yiri Shkurta Januzi, oo ah tifaftiraha guud ee mareegta.

Simen Okten ayaa sheegtay in safaaradda Jarmalku aysan bixin sabab ay ku diiday codsigeeda. Dukuminti kasoo baxay safaaradda Faransiiska oo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters, ayaa lagu sheegay inaysan arag caddaymo ku filan oo muujinaya in weriyaha TV-gu uu ka bixin karo qarashka muddada joogitaankeeda Faransiiska iyo in kale. 

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay inuu rumaysan yahay in waqtiyada dheeraynta iyo kororka lagu arkay heerarka diidmada ay yihiin kuwo si ula kac ah loo sameynayo. Wuxuu intaas ku daray  inuu arrintan kusoo qaaday kulamo uu la yeeshay dhigaggiisa. 

“Nasiib darro, Mareykanka iyo qaar kamid ah Midowga Yurub iyo dalalka aan EU-da ahayn waxay siiyaan muwaadiniinteenna ballamaha fiisaha hal sano ama 6-7 ilaa 8 bilood kadib. Waxay sidoo kale kordhiyeen heerka diidmada. Tani waa mid qorsheysan oo si ku tala-gal ah loo qorsheeyey,” ayuu yiri.

Cavusoglu waxa uu meesha ka saaray cudurdaarro la xiriira tallaabooyinka Coronavirus ama inaan xirfadlayaal dheeri oo ka xoojiya suuqyada Yurub loo baahneyn.  Wuxuu yiri; ‘iyada oo aan la bixin caddaymo ku saabsan diidmada fiisaha, waxaan kaliya u arkaynaa tallaabooyinkan kuwo loogu tala-galay in madaxa looga xanuujiyo Erdogan doorashada kahor.” 

Isaga oo uga digaya safiirrada Reer Galbeed cawaaqibka ay arrintani reebi doonto, wuxuu sheegay in haddii aysan xaaladdu kasoo reynin ama aan wax isbeddel ah laga sameynin inay dhankooda qaadi doonaan tallaabooyin falcelin ah. 

Nikolaus Meyer-Landrut, oo ah madaxa ergada Midowga Yurub ee Turkiga, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in codsadayaasha fiisaha Yurub ee dalalka Schengen ay ula dhaqmaan si ay u qalmaan oo aan loo eegayn arrimo siyaasadeed, isaga oo intaa ku daray in codsiyo aan dhammaystirnayn oo suurtagal ah in la khiyaaneeyey laga arko Turkida.

“Ma jiro go’aanno lagu gaarayo arrimo siyaasadeed, balse waxaa loo qaataa arrimo kale oo hortebin inoo leh,” ayuu yiri. 

Dalxiisayaasha waa laga horjoogsaday bixitaan 

22 kamid ah 26-ka xubnood ee aagga Schengen waa wadamada Midowga Yurub. 

Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa ku naaloonaya xiriir ganacsi oo wanaagsan iyo tobannaan sano oo soo-galooti Turkiga uga sii gudbaya Yurub. Laakiin waxaa arrinta kala dhantaalay arrimo ay kamid yihiin ilaalinta xurriyadda hadalka gudaha Turkiga iyo siyaasadda Midowga Yurub uga degsan qaxootiga Suuriya. 

Kahor cudurka faafa ee coronavirus, dalalka Schengen waxay ka heli jireen in ka badan 900,000 codsi fiisaha sanadkiiba dalka Turkiga, laakiin tiradaasi waxay hoos uga soo dhacday ilaa 270,000 sannadkii 2021.

Muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka xubnaha ka ah Schengen lama weydiiyo wax fiiso ah marka ay booqanayaan Turkiga, waxayna qaarkood ku geli karaan kaararkooda aqoonsiga, sida lagu sheegay mareegaha wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. 

Maaddaama in badan oo Turki ah la diidayo, hawl-wadeennada dalxiisku waxay baajiyeen safarradii caadiga ahaa, sida uu yiri Cem Polatoglu oo ah Guddoomiyaha Tur Andiamo. 

“Dhibaatooyin ayaa nasoo wajahaya, safarradeenii waa la joojiyay, waxaan qorsheyn jirnay safarro aan ku aadno Talyaaniga toddobaad walba, hadda waa inaan bixinaa labadii toddobaadba mar,” ayuu yiri Cem Polatoglu.

Marka laga soo tago dalalka Schengen, Mareykanka ayaa balanqaaday inuu ballaarin doono bixinta fiisaha dalkiisa kaddib markii wasaaradda arrimaha dibadda ay soo gaareen cabashooyin badan oo ku saabsan codsiyada fiisaha ay dalbadaan Turkida. 

Simen Okten waxay sheegtay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan sidii ay ku heli lahayd fiisaha.