Dalxa: Laba beel ayaa SH/HOOSE isku haysta, kuwa kalena waa soo socdaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu ka hadlay dagaalada 5-tii maalmood ee ugu dambeysay ka soconaayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xildhibaanka, ayaa wuxuu sheegay in dagaaladaan ay hurinayaan shirkado shisheeye iyo Siyaasiyiin Deegaan ahaan ka soo jeedo Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sababtu ku sheegay Gobolka Shabeellaha Hoose oo kheyraadkiisu uu badan yahay, sida uu yiri.

Xilligaan, ayuu sheegay in laba beelood oo kaliya ay ku hardamayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, dhowaana la arki doono beelo badan oo isku heysata lahaanshiyaha Gobolkaasi.

“Hadda laba beelood ayaa isku heysata Gobolka Shabeellaha Hoose, beelo badan oo isku heysta waala arki doonaa inay lee yihiin Gobolkaasi, waxa leesku heystana waa Kheyraadka badan ee ku jiro Shabeellaha Hoose.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Xildhibaan Dalxa, ayaa wuxuu ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo dagaalada Gobolka Shabeellaha Hoose, wax kastana waan-waan lagu raadiyo, intii maatida lagu dul dagaalami lahaa.

Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dhanka kale ka digay in ay ka waan-toobi kari waayaan Siyaasiyiinta sida xun wax uga raadineysa dagaalada, sababaaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com