Dambiile aan la maxkamadeyneyn: Xariga R/W CC oo Soomaaliya ka caawin lahaa kiiska dacwada badda

Haddii Cumar Cabdirashiid la qaban lahaa oo la xiri lahaa, laguna ridi lahaa xukunka u qoran khaainul waddanka (taasoo dil toogasho ah), xukunkaas wuxuu ka mid noqon lahaa doodaha sharciga ah ee aan la hor tegeyno Maxamadda Cadaalada e Calamiga ah (International Court of Justice).

Haddase, markii aan ku doodno in heshiiskii is-afgaradka ( Memorandum of Understanding) uu saxiixay Cumar Cabdirashiid, in is-af-garadkaas uu dembi iyo xaraan ahaa, isla markaasna uu tirtiray Barlamaankii Soomaaliyeed ee KMG ahaa, waxaa nagu soo baxeysa dood adag oo aan laga gudbi karin: dembigaas culus (Treason) hadduu jiro, Cumar Cabdirashiid muxuu weli u yahay R/Wasaare? amaba muxuu bannaanka u joogaa isagoo xor ah? Aaway dacwadii ciqaabta aheyd oo lagu qaaday Cumar Cabdirashiid?

“Soomaliyeey maxkamadda cayaarta ka daaya”, baa nalaku oranayaa. waana gar aan laheyn meel laga maro.

Anigu shaciyaqaan baan ahay oo muddo dheer garsoorka iyo maxkamadaha ka dhex tilmaannaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uma jeedo inuu eryo Cumar Cabdirashid si’ loo marsiiyo sharciga.

Masalooyin siyaasadeed baa taa ka hor jooga: Laba R/Wasaare ayuu horey u eryay.

Ra’iisul Wasaarahan hadduu eryo, wuxuu ka baqayaa in cadaawihiisa badan ee ay isaga soo horjeedaan xagga siyaasadda iyo weliba bulshada caalamka (International Community) ku kacaan oo kursigiisa halis la geliyo.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu is-barbar dhigay danihiisa shaqsiga ah iyo danta iyo sharciga waddanka. Dantiisa gaarka ah ayuuna hormariyay.

Haddii uusan is-gaarin, laftiisaa sharciga ayaa qaban doona. Ma jirto cid sharciga ka sarreysaa. Wixii aad maanta fududeysatana, dib bay ka soo cuslaadaan.

Sidoo kale, barlamaanka (waa haddii ay ka gaabsadaan inay xadaanadda ka qaadaan Cumar Cabdirashiid iyo weliba Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo ku fashilmay ilaa iyo maanta inuu barlamaanka weydiiyo in xadaanadda laga qaado Cumar Cabdirashiid, isla markaasna Cumar ku oogo dacwada dhagarta (Treason) uu dalka ka galay.

Kenya maxaa loo eedeynayaa?. kii badda ka iibiyay baaba kuu ah R/Wasaare aan farta lagu fiiqi karin e.

Miskiin yaa Soomaaliya. dadkaagu qabiil bay caabudaan oo danaha dalka umaba soo jeedaan. Soomaali alle inta dhab u caabudda waa yartahay.

Soomaali waxay caabuddaa sanam qabiil la yiraa. Diinta Islaamkana waa ay hafrayaan. waxba ha u arkin cimaamadahooda dhaadheer iyo masjidka ay isku garbinayaan. Iyagaa is wada khyaanaya oo midba midka kale ayuu been ka gadayaa.

Waa ra’yigeyga. Adna kaaga ka hadal ee aniga ha igu habsaamin.

W/Q: Adv. Dr. CABDULQADIR ‘TALLMAN’

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com