Ciidanka Danab oo gudaha u galay Buq Aqable, kuna dilay 18 ka tirsan Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa inay xalay howlgal culus ku qaadeen deegaanka Buq Aqable oo ay in muddo ah gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay beegsadeen saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankan oo qiyaastii 90 KM koofur ka xiga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas,” ayaa lagu yiri qoraal ay maanta daabacday Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA).

Sidoo kale taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka warbixiyey howlgalkan ayaa shaaca ka qaaday in lagu dilay ugu yaraan 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalkan lagu burburiyey saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo  Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

“Degaankaan ayaa kooxda u ahaa mid istaraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarrada iyo qaraxyada ay ku dhibaatey jireen shacabka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan oo dhibaato badan kala kulmay dhagarqabayaasha Al-Shabaab,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa howlgallo iyo guluf dagaal ka waday gobolka Hiiraan ee HirShabelle.