Dani Alves oo dhaawac soo gaaray darti sedax isbuuc garoomada uga maqnaan doona.

Daafaca kooxda Barcelona Dani Alves ayaa sedax isbuuc garoomada uga maqnaan doona dhaawac soo gaaray sida lagu xaqiijiyey website-ka kooxdiisa Barca.

Daafaca dadabka midig ayaa ku dhaawacmay intii ay socotay ciyaartii barbaraha 2-2 ah ku idlaatay, oo ay kooxdiisu Comp Nou kula ciyaartay Real Madrid, waxaana laga yaabaa inuusan nasiib u yeelan kulamada Deportivo La Coruna iyo Rayo Vallecano.

Ninka reer Brazil ayaa sidoo kale seegi doona kulamada saaxiibtinimo oo xulkiisu la ciyaaro xulalka Iraq iyo Japan 11ka iyo 16ka October.

Warbixin lagu qoray bogga ay Internet-ka ku leedahay Barcelona ayaa lagu yiri:

“Dani Alves wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa sedax isbuuc. Ciaayrayahanka reer waxaa soo gaaray dhaawac feysha ah oo lugisiisa bidix ah intii ay socotay ciyaartii Real Madrid. Markaasoo Martín Montoya lagu bedelay daqiiqadii 27aad.”

Min laba gool oo ka kala yimid Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa El Clasico lagu kala baxay, halka ay Barcelona sideed dhibcood ka sareyso kooxda ay cadaw wadaagta yihiim.