Danjiraha Imaaraadka oo ka cararay Muqdisho iyo Nairobi oo uu ka wado arrimo yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya war lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Danjiraha Dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Maxamed Axmed  Cusmaan Alxamaadi uu ka cararay magaalada Muqdisho.

Danjiraha ayaa la xaqiijiyay inuu saldhigtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya sababo la xiriira Culeys iyo Cabsi kasoo food saartay dhanka Dowlada Somalia.

Danjiraha oo faragalin xoogan ku haya arrimaha doorashooyinka Somalia ayaa waxa uu qorshihiisa ugu weyn yahay in magaalad Nairobi uu ka maamulo doorashooyinka Somalia.

Danjiraha ayaan magaalada Muqdisho ka howlgalin muddo ku dhow Hal bil iyo bar, markii laga reebo socdaal maalmo ah oo uu ku imaado Muqdisho.

Danjiraha ayaa bilowga asbuucaani magaalada Nairobi Kula kulmay Musharaxiin loolan adag Kula jira Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana musharaxiintaasi kulanka ku wehlinaayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo garab u ah Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid.

Danjiraha ka cararay Somalia ayaa musharaxiintaasi ku wargaliyay inay dhowraan Heshiiska lagu taageeraayo labada Musharax oo ay wataan.

Danjire Maxamed Axmed waxa uu sidoo kale Musharaxiintaasi ku wargaliyay in si KMG ah uu ugu sii shaqeyn doono magalada Nairobi gaar ahaan Safaarada imaaraadka ee Nairobi.

Musharaxiinta ay wadato Imaaraadka ayaa waxaa kamid ah Cumar C/rashiid iyo Shariif Xassan oo labaduba miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia.

Danjiraha ayaa aad uga soo horjeeda Madaxweynaha Somalia oo doonaaya in mar kale uu qabto xilka waxaana taa ka horeysa inuu kasbado Xildhibaanada cusub.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia wali kama aysan hadal faragalinta ay Dowlada Imaaraadka ku heyso doorashada iyo Siyaasada ka danbeysay in Danjiraha Imaaraadka uu ka cararo Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com