Dastuurka hadda lagu shaqeeyo oo la sheegay inuusan aheyn kii saxda ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shaki ballaaran la galiyay dastuurka hadda lagu shaqeeyo, waxaaba laa lee yahay ma ahan kii la isku ogaa.

Dadka arrintaas aaminsan waxaa ka mid ah guddoomiyihii guddiga dastuurka KMG ee Cabduqaadir Sheekh Ismaacil.

Isagoo la hadlaayay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayuu sheegay dastuurkii ay sameeyeen guddigooda isbadal lagu sameeyay laguna shaqeeyo dastuur cusub.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay arrintaas baarto, haddii kale ay ka dhalan karto cawaaqib xun.

Wuxuu sheegay oo kale in dastuurkan uu yahay mid kumeel gaar ah sidaas darteedna loo baahnaa inta laga gaarayo ilaa sannadka 2016-ka in dadka la baro loona sheego waxa uu yahay fedaraal.

Cabdullaahi Sheekh Ismaacil ayaa carabka ku adkeeyay in marka la gaaro 2016-ka oo ay dalka ka dhacdo doorasho la sameeyo dastuur rasmi ama lagu shaqeeyo midkii ay sameeyeen guddigii madaxa banaanaa ee dastuurka KMG ah.

Wax yaabaha uu soo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa in si qaldan loo adeegsaday fedaraalka taasna ay billow u tahay dagaallo iyo colaad hor leh oo dib uga billaabata Soomaaliya.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulada ka sameesmay dalka ay yihiin kuwa si sharci darro ah ku yimid isla markaana aaney waa faqsaneen dastuurkii ay sameeyeen.

Si kastaba, dad badan oo odorosa arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in dowladda dhexe oo hadda waqtigeeda uu uga harsan yahay muddo labo sanno in ay wajaheyso dhibaatooyin waaweyn kuwaasoo caqabad ku ah hiigsiga 2016 oo la rabo in dalka ay ka dhacdo doorasho rasmi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com